Daawo: Madaxwaynaha Ruushka Putin oo Dhalashada Dalkaasi Siiyey Jilaaga Steven Seagal.

Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkaas siiyay Jilaaga caanka ah ee Steven Seagal, waxaana warkaan xaqiijiyay aqalka dalkaas looga taliyo ee Kremlin.

Jilaaga 64 jirka ah ee Steven Seagel, ayaa sanadihii lasoo dhaafay oo dhan si joogto ah u booqnayay dalka Ruushka, waxaana uu dhowr mar madaxweyne Putin kala qeyb galaydhowr munaasabadood, sidoo kale wuxuu had iyo jeer cambaareeyaa siyaasada Mareeykanka ee ku wajahan Ruushka.

Steve Seagel, waxa uu kamid yahay dhowr jilaa oo uu Kremlin-ka siiyay dhalashada dalkaas, waxaana ugu dambeeyay Jilaaga u dhashay Faransiiska Gerard Depardieu iyo jilaaga reer USA boxer Roy Jones Jr.

Afhayeenka madaxweyne Putin ninka lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa wariyaasha Moscow ugu sheegay, in Jilaaga Seagel uu mudo codsanayay jinsiyada Ruushka islamarkaasna uu waligii difaaci jiray Ruushka asigoon dareenkiis qarin, sidaas darteedna Kremlin-ka u siiyay dhalashada dalkaas.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment