Bulsha:- Waxaa kasoo wareegatay 10-sano markii maanta oo kale 24-kii November 2016 tiyaatarada laga daawaday filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Dhoom 2.
Hadaba Super Star Hrithik Roshan oo filimkan hogaamiye ka ahaa ayaa dib u xasuustay saameynta Dhoom 2 inay weli aysan dadka qalbigooda ka go’in.
Hrithik Roshan wuxuu yiri “Waad ku mahad santihiin saaxiibayaal inaad weli Dhoom 2 hadal heysaan, Marwalbo Dhoom 2 wuxuu ahaan doonaa filim darajo gaar ah taagan, waan ku faani karaa, dhamantiina waan idin jeclahay”
Abhishek Bachchan oo isagana Dhoom 2 wax ka jilay wuxuu barta Twitter-ka kusoo yir “10-sano oo xasuus wacan ah, saaxiibadii iigu fiicnaa iyo waqtigii iigu fiicnaa Dhoom 2 ayaan kula soo qaatay”
“Waad mahad santihiin saaxiibayaal Sanjay Gadhvi, Uday Chopra, Bipasha Basu, Hrithik and the Mrs (Aishwarya Rai Bachchan)”
Dhoom 2 wuxuu ka mid yahay filimada Classic ah oo ay ebid Bollywood-ka sameeyeen waxaana lag sameeyay qayb sedexaad Dhoom 3 ee uu Aamir Khan jilay sanadii 2013.
Inkastoo Dhoom 3 All Time Blockbuster noqday hadana sheeko ahaan iyo saameyn ahaan marnaba Dhoom 2 ma gaari karo sida ay isku raaceen dadka filimada ka faaloodo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment