Haweenka Sacuudiga oo sheegay in aad u jecel yihiin xirashada niqaabka

Bulsha:-  Dumarka Sacuudiga gaar ahaan caasimada Riyadh ayaa sheegay in ay aad u jecel yihiin xirashada niqaabka ama indha shareerka.

Indha shareerka ayaa loo ogol yahay dumarka Sacuudigu inaysan xiran hadii ay sidaa door bidaan laakiin ayaga ayaaba aad u jecel inay xidhaan niqaabka.

Dumarka Sacuudiga ayaa kasokow indha shareerka waxay sidoo kale aad u jecel yihiin inay xidhaan xijaabada iyo cabbaayadaha. Waxay waliba aad usii door bidaan xirashada xijaabada sida lagu xusay warbixin dhawaan ay baahisay Alarabiya English. 

Dumarka ayaa awal cabbaayadaha ay xidhaan ay u badnaayeen kuwo leh midab madow laakiin hada waxaa dalkaa aad ugu soo batay cabbaayadaha midabada kala duwan leh.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment