Haweenay lagu ganaaxay € 30k markii ay diiday inay bixiso niqaabka

Bulsha:- Haweeney Muslimad ah oo uu asalkeeda ka soo jeedo dalka Albania ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 30,000 oo Euro, kadib, markii ay diiday inay iska qaado Indha-shareer ama Niqaab u xirnaa, xilli ay ku sugnayd Dhismo uu ka socday Kulan.

Wargeyska Maalinlaha ee Messaggero ee ka soo baxa Talyaaniga ayaa shalay qoray in Haweeneydaasi oo 40-jir ah ay ka qeyb galaysay Kulanka Barlamaanka Dhallinyarada oo lagu qabtay magaalladda San Vito al Tagliamento ee Gobalka Pordenone ee dalka Talyaaniga.



Haweeneydaasi oo dalka Talyaaniga ku noolayd muddo 16 sanno waxaa dabayaaqadda bishii hore lagu xukumay Xabsi 4 bilood iyo ganaax 600 Euro.
Maxkamadda Sare ee Talyaaniga ayaa kordhisayganaaxa, kadib, markii ay rafcaan ka qaadatay xukunkii hore, waxaana ganaaxa looga dhigay 30,000 oo Euro.

Dalka Talyaaniga ma jiro Mamnuucis Sharci ah oo lagu mamnuucay Xijaabka Haweenka Muslimka, inkastoo Sharciga Talyaaniga dadka ka codsaday inay madaxooda iyo wejigooda ku dabooli Karin goobaha Buylshadda sabab la’aan.

Maxkmaadda Europe ee Caddaaladda ayaa horey u sheegtay inuu Sharci-darro yahay in Haweeney shaqada looga eryo iyadoo Xijaaban inay ku shaqeyso.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment