Bulsha:- Nin careysan ayaa galmo afduub u eg kula kacay dad qoyskiisa ah iyo kuwa kale oo ay xaywaano ka mid ah yihiin taas oo dad badan ka yaabisay.
Ninkaan ayaa xoogay gabadhiisa, xaaskiisa , gabar ay xaaskiisu nin kale u dhashay Eey iyo dooro waxaana ay dhacdadaan ka dhacday magaalada Adelaide ee wadanka Australia.
Ninkaan oo 7 sano oo xabsi ah lagu xakumay ayaa la sheegay inuu xabsiga kasoo baxsaday dhowaan waxaana waqtigii lagu xakumay uga dhiman 3 sano.
Qoysku waxa ay booliska u sheegeen inuu ahaa mid aad u careysan isagoo u muuqday mid qaba baahi badan oo dhinaca galmada ah waxaana uu saacado badan ku jiray faraxumeynta.
Booliska ayaa sheegay in dumarka uu faraxumeeyay iney ku jireen gabadho da’doodu tahay 11 iyo 13 sano jir.
Ninkaan oo 37 jir ah ayaa la sheegay inuu sidoo kale jir dilay caruurta inta uu faraxumeynayay, dadka ayaa aad ula yaabay dhibku uu xayaawanka u geystay sida dooro iyo Eey guriga joogay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment