Gabar Geeriyootay Oo Ka Dardaarantay Inaan Meydkeeda La Aasin & Maxkamad Arintaas Ku Raacday

Bulsha:- Gabar British ah oo doonaysay in jirkeeda la kaydiyo markii ay dhimato, si haddii daawo cudurkeeda loo helo mustaqbalka ay u soo noolaato, ayaa ku guulaysatay dacwad Maxkamadeed.

Waxaa Gabadhan ay qabtay kansar, iyadoo taageero arintaas ku saabsan ka heshay hooyadeed inkastoo aabaheed uu ku gacan seyray.


Warqad ay garsooraha u qortay ayey ku sheegtay inay rabto inay waqti dheer noolaato, oo aysan rabin in lagu duugo dhulka hoostiisa.

Gabadhan oo iyadoo 14 jir ah dhimatay bishii Oktoobar October, ayaa maydkeeda loo qaaday Maraykanka si loogu kaydiyo qaboojiye.

Garsooraha maxkamadda sare ayaa go’aamiyay in hooyada gabadha ay go’aan ka gaarto waxa lagu samaynayo jirkeeda markii ay dhimato.

“Waxaan jiraa oo kaliya 14 sano mana rabo inaan dhinto laakiin waan ogahay inaan dhimanaayo
“Waxaan aaminsanahay hadii maydkayga la kaydiyo inay i siinayso fursad la igu daaweeyo mustaqbalka oo aan u soo noolaado, xitaa boqol sano gudaheed, ma doonayo in dulka hoostiisa la igu duugo, Waxaan rabaa inaan noolaado waqti dheer waxaana u malaynayaa mustaqbalka inay u heli doonaan daawo kansarkayga oo aan soo noolaan doono” ayey tiri gabadhan ka hor inta aysan geeriyoon.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment