EEY Ku Sigtay Inuu Dhakhtar Noqdo & 10 Xayawaan Oo Heysta Shahaado Heer Sarre Ah (Qeybtii 2aad)

Bulsha:- Adduunkaan wax kasta ayaa lagu arkayaa, maanta shabakadda Filimside.net waxay idiin heysaa warbixin xiiso badan, taasoo ku saabsan xayawaano heysta shahaadooyin heer sarre ah.

Qaarkood xayawaannaas waxaa macquul ah inay ka aqoon badan yihiin bani-aadamka, qaarkood waxay doonteen shaqooyin heer sarre ah oo ay aqoonteeda leeyihiin laakiin si qariib ah ayaa loogu soo diiday.

Qeybta labaad ee sheekada aad halkaan ka akhrisan doontaan ayaana ka hadleysa xayawaannadaasi qaabka ay wax usoo barteen iyo shahaadooyinka sarre ee ay ka heystaan waxbarashada.


Magaciisu waa Kirsch, isagu ma uusan siinin wax dareen ah inuu wax barto laakiin si joogto ah ayuu usoo xaadiri jiray Johns Hopkins University, jaamacaddaas oo uu dhigan jiray milkiilaha iska leh.

honorary-degree

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu milkiilihiisa Carlos Mora ka caawin jiray inuu waqtiga saxda ah markasta ku yimaado jaamacadda. Maalintii Qalinjebinta Johns Hopkins University waxay u garatay shahaado Honorary Degree ah.


Magaciisu waa Samson waa eey adeege ah, ma awoodo inuu xisaabta sida ay tahay uga shaqeeyo ama wax akhriyo, laakiin sidaas oo ay tahay wuxuu wax ka bartay jaamacadda Oklahoma University.

Xaqiiqadu waxay tahay Oklahoma University waxay u diyaarisay inuu noqdo eey professional ah oo adeegga ku wanaagsan. Ka dib muddo laba sanno ah oo uu jaamacaddaan dhiganayey, waxaa la siiyey shahaado Honorary Degree ah, waxaana lala siiyey 300 shaqsi.


Chester Ludlow wuxuu leeyahay aqoon ku filan, waana maskaxdii ka dambeysay in la sameeyo shabakadda GetEducated.com, sida ay dad badan daaha ka qaadeen. Waxaad shabakaddaas ka codsan kartaa wax walba oo waxbarashada heerka jaamacadeed la xiriira.


Si kastaba ha ahaatee, dabool kaama saarna inuu caawinaad badan helay si uu riyadiisa uga dhabeeyo. Kaalinta 8aad ayuuna uga jiraa liiskaan. Nasiib darro 2012kii ayaa albaabada loo xiray shabakaddiisa.

Magaca loogu yeero waa Oreo Collins waxay martay maadooyinka tijaabada ah ee la isku yiraahdo General Educational Development (GED). Waxaana xusid mudan inay si wanaagsan ugu hadli karto luqadda Ingiriiska, dabcan milkiilaheeda ayaana ka caawiyey.


Kevin Collins oo ah milkiilaha bisaddaan ayaa daaha ka qaaday in su’aal kasta oo Ingiriis ah la weydiin karo bisaddiisa ayna bixineyso jawaabta saxda ah, haddii ay garan weyso jawaabta milkiilaheeda ayey kula laabaneysaa.

Showga shactarada ah ee reer Australia ee War On Everything isla markaana uu leeyahay The Chaser ayaa waxaa lagu soo bandhigay arrintii ugu qosolka badneyd.

Showgaan ayaa daaha looga qaaday in eey lagu soo bandhigay oo lagu magacaabo Sonny uu heysto shahaado sarre oo dhanka kalkaaliyenimada ah wuxuuna kasoo baxay jaamacadda Ashwood University, khibrad dhab ah ayuu leeyahay. Wuxuu isku deyey inuu ka shaqeeyo isbitaal caalami ah, laakiin Dr. Sonny waxaa loo sheegay in uusan shaqadaas qaban karin maadaama uu xayawaan yahay.

Maadaama eeyga iyo bisaddu ay yihiin xayawaanno si aad ah loo adeegsado sababtaas darteed ayey liiskaan ugu bateen. Intaas ayeyna inoogu egtahay warbixinteennii xiisaha laheyd.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment