Daawo Sawirada:- Kooxda Reer Brazil Gremio Oo La Ciqaabay Ka Dib Markii Gabar Uu Dhalay Macalinkooda Ay Garoonka Iska Soo Gashay Xilli Ay Dabaaldegayeen.

Bulsha:- Kooxda reer Brazil ee Gremio ayaa lagu dharbaacay labo ciqaab ka dib markii gabadha tababare Renato Gaucho ay garoonka iska soo gashay ka dib guushii ay ka gaareen semi-finalka koobka maxaliga ah.

Carolina Portaluppi ayaa kursiga keydka fariisatay markii ay xamaasatay ciyaarta sarre u kacday ka dibna waxa ay gudaha u gashay garoonka si ay dabaaldega uga qeyb qaadato iyadoo Gremio ay 2-0 ku garaaceen Cruzeiro kulan labo lug ahaa.

Haatana maxkamada cadaalada Isboortiga Brazil ayaa ku xukuntay kooxda inay lugta labaad ee kulanka finalka ah ku ciyaaraan meel ka baxsan garoonkooda, waxaa sidoo kale lagu ganaaxay 30 kun riyaal oo u dhiganta 7 kun ginni.


“Maxkamada ma cambaareyneyso jaceylka uu aabe u qabo gabadhiisa laakiin waxa ay cambaareyneysaa ficil aan la ogoleyn.” ayay tiri maxkamada, waxaana looga digay tababare Gaucho inuu la kulmi karo ciqaab dheeri ah.
Kooxda Gremio ayaa xaqiijisay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamada ka hor kulanka labada lug ee finalka ee ay la ciyaarayaan kooxda Atletico Mineiro dhamaadka bishaan.
Carolina Portaluppi ayaa iyadana waxaa baraha bulshada ku weeraray taageerayaal careysan ka dib markii uu xukunkaan soo baxay halka kuwa kale ay difaaceen. Gabadhaan oo 22 sanno jir ah ayaan wax jawaab ah bixinin.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment