Bulsha:- Maxaad ku daaweyn kartaa marka aad isku aragto urka maqaarka jirka kaas oo la dareemo marka la dhidido, inta badan waxaa keena inaad cunto cuntooyin jirka saameeya sida xulbada ama basasha badan iyo toonta badan, cuntooyinkan jirka ayay galaan marka aad dhidido jirkaaga ayay ka soo uraan, sidoo kale afka ayay kaa urinayaan basasha iyo toonta haddii aad cunto iyagoo cayriin ah, waxaa kaloo isweydiin mudan dhuusada aad u urta maxaa keeni kara, runtii caloosha marka ay kaa fadhido dhowr maalmooodna aadan saxaroonin waxay kuu keentaa dhuuso ur badan, sidoo kale dabada waxaa lagaa rabaa inaad si fiican u nadiifiso marka aad saxarooto, waayo aariyadda
marka ay soo marayso meesha ur ayay ka soo qaadaysaa, sidoo kale naago badan ayaa ka sheegta urka qurmuun ee siilka, taas waxay u noqonaysaa inta badan nadaafadda gudaha iyo dibadda cambarka, shuunkana waa in layska xiiraa, gabdhah way fududaystaan way ka wahsadaan shuunkooda inay iska xiiraan, badan kooda way jaraan keliya, qaarna way deeyaan, taas waxay u keenyasaa meesha oo dhan inay qurun noqoto, marka aad dhaqayso saabuun udgoon adeegso
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment