16 jir Afrikaan ah oo Baabuur Gacantiisa ku sameeyay.

Bulsha:- Wiil dhallinyaro ah kana soo jeeda dalka Nigeria gaar ahaan gobolka Ebonyi laguna magacaabo Ihere-serg Mascot ayaa wuxuu gacantiisa ku sameeyey gaari. Wiilkaan ayaana isticmaalay soolar tamar ahaan ah waxa dhaqaajinaya gaarigaan.

16 sanno jirkaan lagu magacaabo Ihere-serg Mascot ayaa daaha ka qaaday in gaarigiisu uusan u baahneyn in lagu shubo gaas ama shidaal wuxuuna ku soconayaa soolarkaas oo keliya.

Ihere-serg Mascot ayaana wuxuu gaarigaan shacabka gobolkiisa ugu soo bandhigay guriga guddoomiyaha gobolkaas oo lagu magacaabo David Nweze Umahi.

Wixii intaas ka dambeeyey dad badan ayaa Facebook iyo guud ahaanba baraha bulshada kusoo ammaanay tayada wiilkaan waxayna dowladda Nigeria ugu baaqeen inay taageero u muujiso.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment