Bulsha:- Usha Haddi la jiifshana banaan hadii lajoojiyana banaan
Nin baa, wax la yidhi, meel u boqor ahaa. Malintii dambaa sac beer daaqay. Markaasaa ninkii beerta sacu daaqay lahaa suldaankii u soo ashtakooday.
Markaasaa suldaankii xukun bixiyay oo yidhi intuu ushiisii kor u qaada: "Ninkii saciisu beer nin kale leeyahay daaqo ushaasuu hadhuudh ku qarinayaa."
Maalintii dambe ayaa suldaanka qudhiisu sac uu leeyahay beer daaqay.
Markaasaa suldaankii loo soo sheegay oo la yidh: "Sacaagii baa beer daaqay." Markaasaa suldaankii yidhi: "Hadda usha haddii la jiifshona banaan."

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment