Nabad Goday ma xidhanto sheeko sheeko sheeko xariir

Bulsha:- Nin baa beri guri ma s ku jiro degay. Markaasuu maskii arkay. Maskuna mas daalin ah ma ahayn. Casha walba xoolaha iyo caruurta dhexdooda ayuu iska dhex mari jiray oo waxba ma yeeli jirin.



Maalintii dambe ayaa ninkii tashaday oo is yidhi: "Waar horta maskani yaanuu caruurta iyo xoolaha kaa cunin e maa dishid?" Markaasuu maskii oo geed jirriddiisa jiifa u yimi oo is yidhi: "Seef qoorta kaga jar!" Markaasuu la waayay oo jeeftii jirriddi ku dhacday. Markaasaa maskii toosay oo cararay oo god galay.

Habeenkii markii la seexday buu maskii soo baxay oo ninka inankiisii curad qaniinay. Inankiina qaniinyadii buu u dhintay.

Subixii baa ninkii maskii u yimi oo yidhi: "Waar, masyohow, aan wacadtano oo is deyno!" Markaasuu maskii yidhi: "Waar ninyohow, berigii horeba waa taynu nabadda ahayne aad nabadii goysay; ininkana intaan seefta jirridda ku taal arkayo, adna aad inkaaga xabaashiisa arkayso, wacad inoo xidhmi maayo'e ina kala kaxee"!"






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment