Trump oo Obama walaalkiis ku casuumay doodii xalay Las Vegas

Bulsha:- Donald Trump ayaa Obama walaalkiisa Malik Obama ku casuumay doodii sadexaad ee xalay ka dhacday magaalada Las Vegas.

Malik Obama oo ah walaalka madaxweyne Obama, ayaa kamid noqday martidii xalay ka qeyb gashay doodii 3-aad ee xalay dhex martay musharixiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga.

Malik Obama oo ah muslim haysta dhalashooyinka Kenya iyo Mareeykanka, ayaa u sheegay wargeyska New York Post, inuu ku faraxsanyahay ka qeyb qaadashada doona, wuxuuna sheegay inuu aaminsanyahay in Trump uu Mareeykanka isbadal u keeni karo.


Malik Obama, ayaa horay u sheegay inuu u codeyn doono Donald Trump, waxaana sidoo kale walaalkiis Obama uu ku eedeeyay inuusan wax u qaban dadkiisa uu asal ahaan kasoo jeedo ee reer Kenya.
Intaas kadib Trump ayaa Twitterkiisa kusoo qoray inuu jeclaan lahaa inuu la kulmo Malik Obama.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment