Bulsha:- Waxaa fahan qaldan ah in kulanka sariirta iyo raaxada habeenkii mar walbaa uu ku xiran yahay ninka min bilaw ilaa dhamaad, haweenka ayaan wax kaalin ah ku laheyn raaxeysaga lamaanaha, kama qeyb qaataan ficil ahaan iyo hadal ahaanba.
Maadaada kulanka sariirtu uu yahay wax lawadaago oo aanu qof kaligii ku gaar aheyn waxaa haboon in Haweeneydo ka qeyb qaadato dhankeeda.
Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in lamaanuhu ka warqabo dhamaan xeeladaha laxiriira dareenka galmada, qofna waa in aanu ka daalin dareensiinta qeybaha jirkiisa ka mid ah oo uu ku duugan yahay kacsigiisa amaba uu ka helo in loo salaaxo ama lateeb taabto.
Gabar yahay haka xishoon in aad ninkaada u sheegto goobaha iyo meelaha aad ka kacsato, isku day in aan hadal macaan ugu sheegto “Macaane halkaa gacantaada ii mari”, “aad ayaan ugu bogayaa” iyo hadalo sidaan oo kale u macaan badan, taasi oo ninka ku dhiirin galin karta in uu shaqada si wacay kuula cayaaro.
Iska daaye in haweenka soomaaliyeed yiraahdaan Goobahan waxaa ku duugan dareenkeyga naagnimo, ee waxa ay ka xishoodaan in ay nimankooda ka dalbadaan galmada xili ay bistood u yihiin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment