Shahid Kapoor oo careysiiyey Ranveer Singh,

Bulsha:- Waxaan horey idin kula wadaagnay in filimka Padmavati ay wada jili doonaan Deepika Padukone, Ranveer Singh iyo Shahid Kapoor waxana filimkaan iska leh Director Sanjay Leela Bhansali.

Hadaba Ranveer Singh ayaa horey uga carooday in Director Sanjay Bhansali uu siiyay Shahid Kapoor door weyn sidoo kalena labadaan atoore dhinac walbo filimkaan isku mid ka yihiin.

Sidoo kale Ranveer Singh wuxuu diiday inuu kaartada ama sawirka kowaad ee filimkaan Shahid Kapoor la wadaago midaas oo ka careysiisay Director Sanjay Bhansali.

Haatan caqabad walbo waa laga gudbay dhawaana filimkaan duubis rasmi ah ayaa lagu bilaabi doonaa waxaana la shaaciyay in la daawan doono bisha November sanadka dambe 2017.

Hadaba Shahid Kapoor ayaa la weydiiyay filimka Padmavati cida hogaamiyaha ka ah wuxuuna ku jawaabay “Padmavati ma ahan filim hal atoore ama labo atoore hogaamiye ka yihiin balse waa filim sedex jilaa hogaamiye ka wada yihiin mid walbana la siiyay door la mid ah midka kale”
“Waxaan jeclaan lahaa in 5-sano ka hor aan sameeyo filim Padmavati oo kale ah waayo waa filim cajiib badam sheekadiisana siweyn uga helay waxaana ku kalsoonahay in daawadayaasha in badan ka heli doonaan”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment