Kareena Kapoor oo shaacisey Filimka ugu Wanaagsan ee uu Karan Johar Sameeyay.

Bulsha:- Director Karan Johar ayaa ku casuumay qaar ka mid ah saaxiibada uu ku leeyahay Bollywood-ka inay daawadaan filimkiisa la wada sugaayo Ae Dil Hai Mushkil.

Hadaba Kareena Kapoor Khan oo ka mid ahayd dadkii caanka ahaa ee filimka ADHM daawadeen ayaa amaan weyn kala dul dhacay filim sameeye Karan Johar iyo qaabka uu fariintiisa usoo gudbiyay.

Bebo waxay tiri “Aadban uga helay daawashada ADHM, Waxaan u maleyna dhamaan jilaayaasha filimkaan Ranbir, Aishwarya iyo Anushka shaqao wacan ayay qabteen”


“Waan hubaa in daawadayaasha Ae Dil Hai Mushkil ka heli doonaan, waayo waa filimka ugu wanaagsan ee Karan Johar sameeyay ee aan daawaday fariin ahaan”

Dhinaca kale Kareena Kapoor Khan ayaa iska diiday inay ka hadasho muranka dhawaanahan oo ku aadanaa daawashada filimkaan Ae Dil Hai Mushkil iyo dhibaatada jilaayaasha reer Pakistan lagu haayo.
Waxayna xidigtaan tiri “Ma doonayo inaan ka hadlo ama aan dib ugu laabto arin mar hore xalkeeda la gaaray waayo filimka Ae Dil Hai Mushkil si nabad ah ayaa Jimcadaan loo daawan doonaa”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment