Salman Khan Lamaantiisa Iulia Vantur Hindiya ayay dib …

Bulsha:- Gabadha lagu xanto inay saaxiib la tahay Mega Star Salman Khan laguna magacaabo  Iulia Vantur  ayaa la sheegay inay dib ugu soo laaban doonto gudaha Hindiya.

Dhowr todobaad ka hor ayay  Iulia Vantur  dib ugu laabatay dalka Romania madaama waqti ahaan ka dhici rabay dal ku galka ay Hindiya ku joogtay.

Waxaa dhawaan la baahiyay in  Iulia Vantur  iyo Salman Khan isku dhaceen sidoo kalena xidigaan dib ugu soo laaban doonin gudaha Hindiya.


Laakiin gabadhaan Model-ka ka tirsan ayaa la sheegay inay Mumbai dib ugu soo laaban doonto sidoo kalena waqti la qaadan doonto Salman Khan oo ay saaxiib dhow yihiin.

Waxaa la sheegay in Visa-ha loo cusbooneysiiyay  Iulia Vantur  dhawaana dib ugu soo laaban doonto gudaha Hindiya waxayna ka mid tahay shaqsiyaadka xogteeda saxaafada u baadi goobto madaama ay xiriir dhow la leedahay jilaaga xiligaan ugu shacbiyada balaaran gudaha Hindiya.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment