Bulsha:- Nin xariif ku ah ka kaluumeysiga IMO, WhatsApp iyo Viber oo aan si fiican u aqoon shukaaminta iyo la haasaawidda hablaha, ayaa tobaneeyo gabdho la wadaaga sheeko gaar iyo is dhaafsi sawiro.
Ninku waxa uu caan ku ahaa in heeso jaceyl oo qeybo muhiim ah laga jaray oo aan ka badneyn laba daqiiqo in uu u wada diro gabar waliba oo uu la haasaawo, waxa uu howshaasi ku guda-jiraba waxa uu dareemay in Suuqa IMO, WhatsApp iyo Viber uu yahay mid aan ku filneyn oo waxa uu waayay hablo badan markii ay iska badaleen teleefoonnadii ay hawada ku soo gali jireen.
Waxa uu ku fikiray in Suuqa ugu balaaran uu yahay Facebook oo maqaalintiisa uu ku dhex tuuran karo, waxa uu hadba jahawareer kala kulmo gabdho hadal barad ah oo aan jawaabeyn, waxa uu u galay laba qaanad oo Facebook oo ay leedahay gabar uu hore uga bartay Viber, hayeeshee adeegsaneyso laba magac oo ka duwan magaca saxda ah ee lagu yaqaan.
Ninkani xariifka ah, waxa uu ammaanay gabadhii, kadibna keydkiisii qeybaha la jaray ee heesaha ayuu mid ka mid ah u diray gabadhii, iyada oo ku wareersan ogaanshaha shakhsiyadda ninka ay la hadleyso, ayuu misana mar kale qaanadda kale ee isla Facebook ay ku leedahay uu ku soo tuuray isla heeskii iyo ereyaddii ammaanta, isaga oo isleh laba hablood ayaa shaqaba kugu jiraan!
Gabadha oo dareentay in ninku yahay Atoore baadiye ka xamaalanaya baraha bulshada ayey u sheegtay inay tahay gabar uu ka shukaansado Viber, balse aaney layaab ku noqoneyn damaciisa waalan, waxaase ay la amakaagtay dhaqankiisa adeegsiga heesaha oo tusinaya heerka liita ee uu doonayo inuu ku soo jiito haween kala aragti iyo aqoon duwan !
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment