Priyanka Chopra sanadaha soo socda Maxaa u Qorsheysan?

Bulsha:- Priyanka Chopra waxay noqotay atirisho caan ah oo Hollywood-ka wax la qeebsato sidoo kalena maalin walbo qaar ka mid ah saxaafada dunida ugu caansan ayaa xidigtaa wareysi kala duwan la yeeshaan.

Hadaba wareysi ay dhawaan bixisay Priyanka Chopra waxay kusoo bandhigtay 5-sano ee nagu soo fool leh qorshaha u dagsan oo ay ku jirto xitaa inay nolol gaar ah sameesato.

Priyanka Chopra ayaa ka dhawaajisay 5-sano ee nagu soo fool leh waxa ugu weyn oo ay dooneyso inay hesho ugu horeyso hooyo inay noqoto.

Sidoo kale xidigtaan 00 34-jir ah sidoo kalena waxay dooneysaa in 5-sano ee nagu soo fool leh ay Hollywood-ka iyo Bollywood-ka ka dhex muuqato lana shaqeyso shirkadaha iyo jilaayaasha ugu caansan.

PC waxay tiri “Waxaan doonayaa inaan 5-sano ee nagu soo fool leh saaxada fanka siweyn uga dhex muuqdo sidoo kalena aan hooyo noqdo”


“Inta badan kuma ficni qorsho dajinta nolosha waana sababta keentay inaan arimo badan ku fashilmay balse markaan yoolkeyga waa mid cad waxaan doonayaa inaan caruur dhalo sidoo kalena aan fanka ka bixin”
Inkastoo Priyanka Chopra dooneyso inay hooyo noqoto hadana xidigtaan ilaa haatan lama wadaagin dunida qofka ay dooneyso inay guursato ama shaqsiga ay nolosha la wadaagi laheyd.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment