Bulsha:- Wararku waxay leeyihiin Atirishada caanka ah Priyanka Chopra ee haatan Hollywood-ka ku biirtay ayaa meesha ka saartay inay qaawanaan dhameestiran filimada ku matali doonto.
Priyanka Chopra oo wareysi siineesay gabadha joornaalistaha caanka ah Anupama Chopra eee NDTV ka tirsan ayaa arinkaan daaha ka rogtay xili si lama filaan ah sirtaan ay banaanka usoo dhigtay.
Priyanka waxaa la weydiiyay inay jiraan marka ay filimada saxiixaneyso qodobo gaar ah oo heshiiskeeda lagu lifaaqo waxayna tiri “Haa wey jiraan waxaana ugu horeyso qaawanaanta waayo anigoo qaawan marnaba ma aqbali doono inaan filim duubo!”
Hadalka Priyanka kasoo yeeray xili aad loo hadal haayo xidigtaan taxaneeda Quantico 2 ee dhawaan lasoo bandhigay inay ku jiraan muuqaal dareen ku dheehan oo ay jilaayaasha caalamiga ah ee taxanahaan la wadaan la wadaageyso!
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment