Bulsha:- fahanka galmada ee labada lamaane ayaa ah asaaska guurka guuleysta , si loo gaaro ujeedkaasi waxaa muhiim ah in uu jiro xariir wanaagsan xiliga galmada iyo in si cad ah la isugu sheego waxa ay labada lamaane dareemayaan xiliga cayaarta socoto . Waxa ayna tani keeneysaa in in labadaba ay gartaan waxa midka kale raaxo uu ka helayo isla markaana kaga boganayo illaa uu ka gaaro heerka gariirka galmada .
Balse waxaa jira haween badan oo dareemaya xiliga cayaarta naxariista xanbaarsan socoto in aysan ninkooda kula xariiri karin hadal , inta badanna xishooda ama ka cabsada in ninkooda fikir qaldan ka qaato .
Ragga ayaa dareema kacsi marka uu si saraaxad leh u ogaado waxa ay lamaantiisa dooneyso , waxaana haweeneyda la gudboon in ay ogaato in ay xaq u leedahay in ay ninkeeda u sheegto sida iyo habka ay raaxada ku heli karto si uu ugu sameeyo . Is fahanka sariirta oo la isu sheegto qofba sida uu macaanka galmada ku heli karo ayaa keenta in labada lamaane dareemaan dharag galmo oo ay raali isaga yihiin .
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAAN

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment