Musqulahii Garoonka Old Trafford Guuldaradii Man City, yaa ka Mas’uul ahaa Jejebintooda.

Bulsha:- Waxaa lagu soo eedeeyay taageereyaasha kooxda City fal xun oo ay ku muteesan doonaan ganaax lacageed oo kooxdooda dusha loo saaro kadib markii ay taageerayaasha kooxda Manchester City qaarkood oo xalay burburiyeen musqulaha garoonka Old Trafford oo ay eber ka dhigeen.

Kaddib guuldarradaas taageerayaasha Man City ayaa caradooda kala dul dhacay musqulaha garoonka Old Trafford iyagoo bur-bur xoog leh u gaystay, waxaana sawirrada la baahiyey ay muujinayaan taageerayaasha oo qoslaya isla markaana jajabiyey musqulaha qeybta martida ee garoonka Old Trafford.

Saxaafada ayaa soo bandhigtay Sawirada wixii dhacay iyada oo la arkayay taageerayaasha City o qoslaya islamarkaana burburiyay musqulaha qeybta martida ee garoonka Old Trafford.

Waxaana ay geysteen qasaare weyn iyadoo kaliya la sugayo haddii United iyo City ay ciqaabi doonaan taageerayaasha ku kacay falkaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay taageerayaal jajabiyaan musqulo, horaantii xilli ciyaareedkan taageerayaasha Rangers oo ka careysnaa guuldaradii Celtic ayaa burburiyay musqulihii garoonka Celtic.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment