Bulsha:- Markii naagtu ninka ka maseerto waa oysaa, marku ninku naagta ka maseerana waa aamusaa oo waa qarsadaa,gudaha ayuu ka gubtaa.
Markii naagtu ninka ka maseerto asaga ayey ku mashquushaa,markii ninku naagta ka maseerana naftiisa ayuu ku mashquulaa oo dib ugu noqdaa.
Maseerka kan ugu wanaagsan waa kan jaceylka ku saleysan,maseerka kan ugu xun waa kan xaasidnimada iyo naceybka ku saleysan.
Maseerku naagta wuu farxad galiyaa marka ay u maseerto ninka ay iyadu jeceshahay,wuuna dhibaateeyaa naagaha maseerka marka ninku jecelyahay,balse iyadu aanan jecleyn.
Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya jaceylka iyo maseerka waa jacaeylka dhabta ah ee daba dheeraaday ee u dhaxeeya lamaanaha kaas ayaana sababa maseerka.
Maseerka faraha badan waxa uu dilaa jaceylka ka dhaxeeya lamaanayaasha.
Saas daraadeed waxaan wax ka qori doonaa maseerka ka dhex dhaca lamaanayaasha,ninka oo naagtiisa ka maseera,iyo naagta oo ninkeeda ka maseerta.maxay tahay sababta keentay?
Maxaa natiijo oo ka dhalan kara maseerka?maseerku guurka ka hor iyo ka dib keebuu badanyahay? dhibaatooyinka laga dhaxli karo mustaqbalka lamaanayaasha? muxuu yahay farqiga u dhaxeeya maseerka iyo shakiga? goormee ayuu maseerku shaki isku badali karaa?xal iyo daawose ma leeyahay maseerka?
La soco qoraalo taxane ah oo aan si cilmiyeysan ugu hadli doono maseerka ka dhex dhaca lamaanayaasha.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment