Bulsha:- Booliska ayaa qabtay baarista kiiska haweeney reer Kenya ah taas oo ku hanjabtay iney dileyso cunug yar oo ay dhashay ,markii ay weysay nin guursada iyadoo cunugteeda heysata.
Jackline Jepng waa hooyo hal gabar dhashay, waxaa ay dhowan Facebook kusoo qortay iney u socoto iney disho cunugta yar si ay iyadoo madax banaan nin u guursato.
“Ma jiraa qof raba inuu I guursado anoo cunugteyda heysta ? waan dili doonaa iyada si aan dhabaha saxda ah u helo ayey soo qortay ,mararka qaar waxaad ku fakareysa waxyaabo waali ah.
Xtian Dela oo ah nin aad looga yaqaano baraha bulshada ayaa xaalada hooyadan ka sameeyay hashtag # bad baadi Jackline Jepng si aaney cunugteeda u dilin .
Booliska Kenya aya arkay arintaas kadibna raadiyay haweeneydaan kadibna gacanta kusoo dhigay.
Asbuucan horaantiisii ayey sidoo kale haweeneydaan soo dhigtay Facebook iney jiho waalan ku raadin doonto qof guursada.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment