Markii aroosi lahaa uu diidey in uu yimaado xaflada Gabar Madoow ah oo Boombilo loo aroosiyay.

Bulsha:-  Dadka wadanka Nigeria ayaa aad u carooday markii lasoo sawiray arooska gabar u dhalatay dalkaas oo lagu daray boombilaha dharka bartamaha qaarada Yurub.

Dadka ay saaxiib yihiin gabadhaan ayaa sheegay in gabadhaan ay caruuskeeda ka baratay internet-ka.

Kadib waqti yar oo ay sheeko wadaag ahaayeen ,waalidka gabadhaan ayaa ku cadaadiyay iney guursato ninkaamn ay ka jeclaatay online-ka ee kunool Yurub.

Caruusadii ayaa u duushay Yurub kadib markii ay heshiiyeen laakiin nasiib daro waxaa uu ninkii diiday inuu yimaado xaflada si loola sawiro saaxibtiis.


Qaar ka mid ah saaxibada gabadha iyo caruusada ayaa go,ansaday iney si socoto xaflada arooska iyadoo guursaneysa “mannequin” oo ah boombile suurada aadanaha leh kaas oo ay carwooyinku u isticmaalan iney dharka saartaan.

Dadka reer Nigeria ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in gabadhaan intii ay ka carareysay wiil madoow iney guursatay boombile cadaan ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment