Kajol:”Marka aan Guursado, Ma ahan in aan fankeygii soo Afjarey”.

Bulsha:-  Atirishada Bollywood-ka maqaam sare ka gaarta Kajol Devgn ayaa ka hadashay mowduuc xasaasi ah ku ah Bollywood-ka oo ku aadan guurka atirishooyinka.

Inta badan atirishooyinka Bollywood-ka guurka wey ka cabsadaan xiliga ay dhalinyar yihiin ayagoo aaminsan hadii ay guursadaan in suuqooda xirmaayo ama aysan heleyn fursado ay kula shaqeeyaan atoorayaasha awooda badan.

Balse Kajol ma qabto aragtidaas waxayna tiri “Hadii aad guursado adigoo dhalinyar kama dhigno in waayahaaga fanka ay soo gaba gaboobeen”

“Atirishooyinka ayagoo da’yar guursadeen waa kuwo badan waxayna waagii hore ahaan jirtay arin iska caadi ah waayo guurka kaama celinaayo shaqadaada sidoo kalena dadka ku jecel kuguma nacayaan inaad nolol sameesatid”
“Maxaa ka wanaagsan hadii aad tahay marwo la qabo sidoo kalena shaqeesaneyso kuna nool farxad sidoo kalena leh taageerayaal balaaran”
“Tusaale waxaan usoo qaadan karaa Sharmila Tagore (Saif Ali Khan hooyadiis) iyo Tanuja (Aniga hooyadeey) iyo Saira Banu waxay guursadeed ayagoo dhalinyar waxbana kama halaabin waayo awoodii ay lahaayeen ayay mudo dheer sii lahaayeen”

Kajol waxay go’aan ku gaartay inay Ajay Devgn guursato sanadii 1999 ayadoo markaas Bollywood-ka awood balaaran ku laheyd.

Dad badan ayaa ku dhaliileen go’aankii Kajol ay ku guursatay madaama markaas ay ahayd atirishada Bollywood-ka ugu awooda badan waxayna xiligaas jirtay 25-sano.

Kajol waxba kama halaabin haatan waxaa u joogaan gabbar Nysa oo 13-jir ah iyo wiil lagu magacaabo Yug oo isagana 6-jir ah sidoo kalena tan iyo markii ay guursatay sedex jeer ayay ku guuleesatay atirishada ugu wanaagsan Bollywood-ka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment