Ma U Jaraa Jaceylkeeda Mise Waan Iska Jiidaa IntaUu Is Jaro (Sheeko Jaceyl Oo Xiiso Badan )

Bulsha:- Waxaan ku dhashay magaalada Hargeisa sanadkii 1986. Waxaan dugsiga hoose ilaa dhexe kaga baxay isla hargeisa. Markii aan dugsiga sare u gudbi lahaa ayaan shaqo is ka bilaabay anigoo kakala ganacsana jiray hargeisa iyo ethopia. Waxaanu magaalada Adisababa isku baranay gabadh aan la dhacay quruxda Rabi ku manaysatay.

Waanu isbaranay gabdhi,i waxba kama qarine markiiba waan u soo bandhigay baahidaya nafsadeed oo ahayd inaan iyda jeclahay.Way iga aqbashay jacaylkii.

Markaanu mudo wada sheekayasanay ee ay iiga ballan qaaday inay garabkayga taagnaanayso weligeed waan aaminay. Gabdhii waxaan u jeclaaday si xad dhaafa, iyadana waan kadareemay jacaylka.

Marka aan uga sheekeeyo wakhtigii fiicnaa ee aan soowada qaadanaya sida aan isku baranay iyo sida aanu jacaylka usoo wada jillay waxay la ilmayn jirtay farxad. Waxay igu odhan jirtay waxaan ka baqayaa inaan ku waayo anna waxaan markasta niyada ugu dhisi jiray in hadii aan calaf isku leenahay aanaan is waayayn.

Hadaba haddaan akhristoow u dhaadhaco nuxurka aan maqaalakan usoo qoray ayaa waxa uu yahay gabdhii sidaas iila dhaqmi jirtay, naftaydana jacaylka intaa leeg ku abuurtay ayaan ka daremay is bedel weyn.
Waxaa kamid ahaa is bedelladii aan ka dareemay ima soo wacdo ilaa aan waco, marka aan ku idhaahdo aan kulano way iga war wareeegi jirtay, marka aan lahadlo ee aan ku idhaahdo maxaa dhacayna waxay igu tidhaahdaa aniga waxba iskamay kay bedelin.

Maalintii danbe ayaan u adkaysan waayay waxay gabadhu igula kacayso. Waxaan is idhi gabadhan iyo jacaylkeeda go’aan ka qaado. Hadana naf wax jecel go’aan adag malahan, waxa aan wacay telphonekedii, waxay ii sheegtay inay igu soo celinayso hadhow.

Waan raagsaday oo waxaan udiray massage. Waxa aan ku idhi ina kala kaxee oo aan sidaas isku dayno, jacaylkeeniina sidaa haku burburo. Markaas go’aanka aan qaatay dhab igama ahayn waayo gacalisadayda dhabaan u jeclaa. Waxa aan tijaabinayay heerka uu jacaylkeedu gaadhsiisan yahay, laakinse waan ogaan kari waayay war danbaba kama helin oo way iska aamustayba.
Toddobaad markaan codkeedii maqli waayay ayaan hadana uxiisooday oo wax aan garaacaay telphonekedii.Markuu halmar dhacaybaan ka jaray, iyadaaba igu soo celisay. Waxa aan ka raalli geliyay wixii dhacay. Wixii dhacay iyada qudheedu waxay ii sheegtay inay qalad samaysay oo anay i odhan mxaad sidaas u samayasay.

Hadaba asxaabta ku xidhan Shabakada Aan jeclahay Ee Shumis.net waxa aan ka codsanayaa bal inay igala soo taliyaan arrinkaas Gabdhaas weli is bedelkii waan ku hayaa, xaaladadedii dhabta ahaydna waan idiinka waramay. Ma la odhan karaaa wa y i jeceshahay oo ma aaminaa, mise qalbiga Ayaan ka adkeeyaa oo waan is ilawsiiyaa?  Wiila iyo gabdhaba, talo ayaan u baahanahay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment