Lamaanaha isku dhiiga ah oo ka raaxa badan kuwa kaladhiiga ah Daawo muuqaalka

Bulsha:-  Qaarada Eeshiya inta badan waxa laga aaminsan yahay, gaar ahaan dalka Japan nooca dhiigga, iyadoo haweenka amma raggu tixgeliyaan in ay guursadaan haweenayda amma ninka ay u arkaan in dhiiggiisu yahay mid firfircoon, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in dhiigga qofku ka qaybqaato in shakhsiyadiisu wanaagsanaato amma xumaato.

Haddaba, dalka Japan daraasado laga sameeyey waxa laga ogaaday in

dadkaa qaar dhiigga noocyadiisa aad u qariyaan.

Haddaba waxay u dhacda siyaabaha  loo tixgeliyo sidan:

Lammaanaha Haweenayda Dhiiggeedu A Yahay, Saygana B

Lammaanaha  A iyo B dhiiggoodu yahay waxa la rumaysan yahay in ay yihiin lammaano aan inta badan heshiin oo xidhiidhkoodu aannu sii raagin, sababtoo ah waxa la rumaysan yahay in haweeenaydu tahay mid ka firfircoon, kana caqli badata ninka inta badan sida dabeecada u ah dhiigga A, kana firfircoonaata saygeeda, sababtoo ah dhiigga A waa mid ka adag inta badan B-da, inkastoo dhiigga B loo yaqaan inuu hoggaaminta ku fiican yahay, qoyskana way heshiiyaan, balse waxa muuqata haweenayda, ninkuna wuxuu noqdaa laan-gaab aashuunka ku addima.

Lammaanaha dhiiggoodu Yahay labadoodaba A

Lammaanahan waxa la rumaysan yahay in ay yihiin qaar is fahma oo aad isu jeclaada, degenaada, muran aannu dhex marin, isla markaana go’aannada ay isla soo jeediyaan wada qaata, noloshoodana ku dhammaysta jacayl iyo degenaansho badan.

Haweenaydu Markay  Dhiiggeedu A Yahay Saygana O  

Waa lammaane sax ah oo labadooduba aad isu jeclaada, balse waxa laga yaaba in ay fikradaha isku qabsadaan mararka qaar, inkastoo lagu yaqaan in ay xal gadhaan, kuna heshiiyaan aakhirka firkada, jacaylkoodana waxa loo yaqaan “Jacaylka Sacda ah,” (Perfect Couple).

Marka Haweenaydu  A dhiiggeedu yahay, Ninkana AB

Lammmaanahan waa qoys degen, waxaana dabeecad u ah in ninku hoggaanka guriga gacanta ku hayo, una taliyo qoyskiisa, wax muran ahna ma dhex galo, sababtooah dhiiggan waxa inta badan isu raaca maskax iyo astaan hoggaamineed, sidaa darteed waa nin qoyskiisa ka adag, kana soo baxa masuuliyada  qoysnimo, haweeenaydu aad u jeceshahay.

HALKAAN KA DAAWO






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment