Katrina Kaif “nolosheyda gaarka ah in aan ka hadlo ma rabo..”

Bulsha:- Atirishada caanka ah Katrina Kaif ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inaysan mardambe nolosheeda gaarka ah arimo ku saabsan saxaafada kala hadli doonin.

Katrina Kaif waxay xaqiijisay inay bisha November ee nagu soo fool leh ka hawl gali doonto filimka Raat Baaki ee shirkada Dharma Productions iska leedahay.

Balse xidigtaan oo diidan in arimaheeda u gaarka ah lasoo hadal qaado waxay tiri “Ma doonayo nolosheyda gaarka ah inaan ka hadlo hada kadib, waayo waxaan joogaa xiligii aan in badan gaabsan lahaa”

Xidigtaan oo ay bilawgii sanadkaan kala hareen Ranbir Kapoor kaasi oo ay mudo 6-sano ah la socotay ayaa meesha ka saartay in nolol cusub ay dhawaan sameesan doonto.
Sidoo kale Katrina Kaif diyaar ayay u tahay inay la shaqeyso Super Star Akshay Kumar oo aysan dhawaanahan wax filim ah la sameynin waxayna xidigtaan ka dhawaajisay hadii hal filim loo wada dhiibto labadooda inay la sameyn doonto.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment