Bulsha:- Jilaagii caanka ku ahaa ahaa heesaha Banaadiriga C/salaan Yuusuf oo ku magac dheeraa C/salaan Jiimi ayaa si kedis ah u geeriyooday, kadib markii la sheegay inuu kusoo booday xanuunka dhiig karka oo sababay inuu madaxa dhiig ugu furmo.
Sida ay xaqiijiyeen qoyska C/salaan Jiimi, wuxuu ku geeriyooday hoyga uu ka deganaa magaalada Kampala ee dalka Ugandha, halkaasi oo mudooyinkii u danbeeyay uu u joogay arrimo safar uu kaga sii gudbi lahaa dalka Mareykanka.abdisalaan-jiimi
C/salaan Jiimi oo u dhaxday fannaanada iyadana heesaha Banaadiriga caanka ku aheyd ee Jidda Sheekh Bashiir oo iyada u dacwooneysay C/salaan Jiimi.
Ruwaayadaha uu dhigay jilaaga C/salaan Jiimi ee lagu xusuusta waxaa ka mid ahaa Damac Adduun, Sed la leh sariglaay, Ibna’aadan iswaayay arrinaa kala geysyo iyo kuwo kale oo fara.
Marxuum C/salaan Jiimi ayaa ka mid ahaa fanaaniinta xilligii burburka aan dalka meelna ugu bixin, wuxuuna daganaa xaafadda Via Liberia ee degamada Waaberi, oo ay ku wada noolaayeen qoyskiisa.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment