Bulsha:- Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladaha taageera dowladdaSoomaaliya ayaa Maanta waxay ku wareejisay Gawaari nooca Basaska ah oo aan rasaasta Karin.
Gawaaridan baseska ah ayaa waxaa loogu deeqay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Gawaaridan ayaa loogu tala galay maxaabiista ku jirta Xabsiyada magaalada Muqdisho in lagu qaado xilliyada la geynaayo xarunta Maxkamadaha.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Taliska Asluubto uu u baahnaa baabuurtan, islamarkaana waxa uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo deeqdaan soo gaarsiisay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Basaskaan oo tiradooda ay tahay 2 ayaa waxaa loogu tala galay in loogu adeego Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda Muqdisho sida uu sheegay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe).

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment