Bulsha:- Naagtaan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa booqata markasta qabriga ninkeedii dhintay, xiliyada ay booqato qabriga ayee hore u iibisaa ubaxyo badan taas oo ku dul surto qabriga ninka, naagtaan ayaa qorta inta aysan tagin qabriga warqado jaceyl oo ay igu dardaameeso ninkeeda, naagta ayaa ku dul ooyada qabriga ninka mudo dhan 7 saac.
Sida la sheegay ninka iyo naagta ayaa ahaa kuwa si xad dhaaf ah isku jecel, dhimashada ninka ayaa saameeyay naagta caafimaad ahaan jismi ahaan, naagta uma dhilin ninka wax caruur.
Ninka markii uu dhimanayay ayuu ka codsaday in aysan guursan ninkale isaga gadaashiisa, naagta ayaa balan qaadkasi ka soo baxday mudo 10 sano ayee qabriga ninka booqataa.
Dadka booqday guriga naagta ayaa la sheegay in guriga ay ku nooshahay naagta uu harqiyay sawirada ninka dhintay, dadka booqay ayaa soo tabiyay naagtaan in qolka ay habeenkii seexato darbigiisa uu ku dhagan yahay sawirada ninka dhintay.
Dharka ay xirato sida funaanadaha oo kale waxaa ku sawir sawirka ninka dhintay, naagtaan ayaa sheektay in ninkeeda ay wali jeceshahay, sheekadaan ayaa noqotay mid dad badan soo jiidata iyada la filayo sanadka soo socda bilawgiisa in laga diyaaro film cusub qisada naagta iyo ninka.
Waxaana jira rag faro badan oo damaaciyey haweeneydan si ay u guursadaan ama xiriir ula sameeyaan, hase yeeshee wey ka biyo diidey.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment