Bulsha:- Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa baraha bulshada ku xiriirto lagu faafiyay sawir iyagoo u fadhiya qayilaad mid walbana ku mashquulsan cunista daroogada qaadka.
Madaxweynaha ayaa mudada uu Qayilaada u fadhiyay dajinaayay kaartada jadwalka xukuumadiisa iyo xubnaha kale ee maamulka uu yeelan doono.
Madaxweyne Cosoble, ayaa inta badan wakhtigiisa ku qaata Qayil iyo Baashaal markii laga reebo xiliyada uu la ballansan yahay Madaxweynaha Dowlada oo howl kawada dhexeyso.
Fadhiga Madaxweyne Cosoble iyo Saaxiibadiisa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo dhinaca ka fadhiyay Cosoble, waxa uuna fadhigu ahaa laba qeyb oo is barbar soctay, balse waxa uu ujeedka sawirku ahaa Madaxweyne Cosoble.
Sidoo kale, Caasimada Online waxa ay heshay sawirro dhowr ah, oo laga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo Dowlada oo qayil iyo tamashleyn u fadhiya, kuwaasi oo ka mashquulay shaqooyinka Qaranka oo aan idiin soo bandhigi doono dhawaan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment