Bulsha:- Habeenka Ugu Horeysa ee arooska waa habeen loogu magac daray
aqal gal amase maalinta koowaad ee bisha malabka waana maalin leh
tilmaamo wanaagsan iyo jawi farxadeed sababtoo ah waxaa midooway'
laba lamaane oo noqday ul iyo dirkeed amase si kale aan u sifeeyo
waxaa hal meel isugu yimid lamaanayaal mudo waqti kooban ku
qaadanayay meel cayiman iyaga oo sheeko wadaag keli ah.
Habeenka Aqal Galka waa ka dareen duwan yahay kan caadiga ah ee
maalin weliba ay ku kulmi jireen lamaanayaasha waayo lamaanayaashu
waxa ay xambaarsan yihiin Guux ka dhex jira maskaxda oo la xiriira is
weydiin su’aalo fara badan oo salka ku heysa xilliga ay isku keli noqdaan
labada lamaane sida ay xaajadu noqon karto maadaama saacadaha ka
harsan howlaha la xiriira arooska iyo ugu danbeyntii galbinta oo labada
lamaane heli doona fursad dahabi ah oo ay hoosta albaabka kaga soo
xertaan si ay u wada xaajoodaan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment