Cajiib Warbixin yaab leh 10 Sababood Oo Dumarku Ay U Jecelyihiin Raga Ka Da’da Yar

Bulsha:- [Jennifer Lopez, Madonna, Demi Moore, Mariah Carey Iyo Haifa Wahbi dhamaan waa fannaaniin wadamo kala duwan kasoo jeeda, hase ahaatee dhamaan waxa ay wadaagan arin kaliyaata, arinkaasi waxa weeye waxa qaba niman ka yar yar xaga da’ ahaan]

Balse su’aashu waxay tahay waa maxay sababta ay dumarku u jecel yihiin in ay xidhiidh la wadaagaan raga ka da’da yar badiyaaba? 10-kan arimood ayaa ka jawaabaya suaashan:

1. Kalgacal iyo xiise farabadan: yaa yidhi dumarku ma jeclaan karaan nin ka da’ yar? Waayo jacaylku waa uu ku dhacaa qof kaste, goor kaste, waxa aanuu dadka ku kallifaa in ay sameeyaan waxyaabo aad loola yaabo.

2. Dumarku ma baadh baadhaan badiyaaba nin aabonimada loogu soo hagaago: inta badan raga da’da wayn ayaa waxa loo aaneeyaa in ay yihiin aabayaal masuuliyada aabo nimo dhabarka u ridan kara, reerkiisa iyo caruurtiisa labadiisa garab ugu hadhayn kara, kalana dabaalan kara dhibaatooyinka nolosha,hadaba astaamahan dumar tiro badani ma jecla, waayo intooda badani waxa ay ka helaan in ay nafahooga ku mashquulaan, nafahooga u hadlaan markaste, taasina ay ku qasabto in ay doontaan rag ka da’yar oo markate ku mashquula iyaga oo kaliya.

3. Raga da’da yari badiyaaba way ka fir fircoon yihiin kuwa da’da waaweyn: waxa la isla wada ogyahay in ragu ay gaadhaan heerkooda ugu sareeya ee firfircoonida marka ay da’doodu u dhaxayso 18jir ilaa iyo 25jir, halka dumarka badiyaaba ay heerkooda ugu sareeya ee fir fircoonida gaadaan da’da u dhaxaysa 35 – 45, taasi oo ninku makraste oo uu sii waynaadoba hoos uu u dhacdo firfircoonidiisu, gaar ahaan marka ay jiraan dhibaatooyin caafimaad, sida in ay haleelaan xanuuno ay ka mid yihiin dhiig kar, macaan, roomatiisan iyo marmarka qaar xanuuno ku dhaca xubinta taranka sida xanuunka cancer-ka ah ee layidhaa Brostata, halka raga da’da yari badiyaaba aany ka cabanayn xanuunadaas, oo ay si joogto ah ugu cel celiyaan hawsha furaashka

4. Raga da’da yari waa wada xamaasad: Badiyaaba raga da’da yari waxa soo jiita heerka ay gabadhu ka gaadhay nolosheeda, taasi oo gabadha da’da wayn ku dhiiri galisa in ay xidhiidh la sameeyaan nimanka da’da yar ee shaqadoodaas ku amaanaya.

5. Raga da’da yari maskaxdoodu aad ayay u fur furan tahay: Sifadan ayaa soo jiidata dumarka intooda badan, gaar ahaan sida ay usii kala da’ waawayn yihiin, waxaanay u tahay cid ay ku nafisaan makra ay nolol maalmood kooda adag soo dhamaystaan, taasi oo aanay ka helayn raga waawayn.

6. Ninka dhalin yarada ahi waa uu qurux badan yahay: ragu yaryari waxa ay ku sifay sanyihiin jidh caafimaad badan oo wada muruqyo ah, waana ay dhoola cadayn badan yihiin, taasi oo dumarka ku kallifta inay ku raacaan iyaga oo u arkaya lamaane jacayl ka ugu fiican, marka loo eego raga da’da dhexe eek a cabanaya is badallo fara badan sida [Bidaar, coodh coodh iyo culays ku kordha miisaankooda].

7. Inay Muujiyaan waxa ay isla hayaan: Dumarku badiyaaba waxa ay baadh baadhaan raga ka da’da yar si ay nafahooga iyo dumarka kaleba ugu muujiyaan inay wali da’ yar yihiin.

8. Xiisaha ay u qabaan In ay ku raaxaystaan nolosha: Dumar fara badan ayaa waxa ay dareemaan markaste oo ay sii waynaadaan in ay sii da’ yaraanayaan. Waxaanay raadiyaan in ay doon doonaan xoogaa farxad ah, taasi oo ay ka helayaan badiyaaba raga da’da yar.

9. In ay dareemaan dhalinyaro nimo joogto ah: Raga da’da yari waxa ay gabadha dareensiiyaan in ay da’ yartahay, waxaana taasi kuugu daliil ah inay kula dagaalamaan da’da waxyaabaha la is mariyo, qalniin ay galaan, iyaga oo qaarkoodna isku daya inay helaan rag ka yar xaga da’ ahaan oo ay la tijaabiyaan nolosha dhalinyaranimada ee aan laga daalayn, ayna xasuustaan waayo waayo.

10. Doonitaanka aargoosi: xidhiidhka ay dumarku la sameeyaan raga ka da’da yar ayaa usoo celiya kalsoonida ay ka qabaan nafahooga, gaar ahaan kadib marka ay ka tagaan ragoodu taasi oo ku kallifta in ay raad sadaan nin ka da’ yar si ay ug aar goostaan ragooday kala tageen.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment