Atariisho caanka ah Lena Dunham Oo Dhaawac Soo Gaaray Iyadoo Jilleysa muuqaal Galmo Ah

Bulsha:- Showga Series Of Girls ayaa wuxuu ka mid yahay bandhigyada ka baxa shaashadda ee loogu daawashada badan yahay adduunka, laakiin gabadha caanka ah ee showgaas Lena Dunham ayaa dhaawac kasoo gaaray iyadoo jilleysa kilib muuqaal ah.

30 sanno jirtaan ayaa daaha ka qaaday inay u baahan doonto dabiib ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray iyadoo jilleysa muuqaal ka mid ah showgaan laga baahiyo HBO.

Iyadoo kasoo muuqatay bandhigga Late Night halkaasoo uu ku casuumay Seth Meyers, gabadhaan qoraaga ah isla markaana ka mid ah atariishooyinka ugu caansan America ayaa runta daaha ka qaaday.

Waxayna daaha ka qaaday in jilliinkaani uusan aheyn mid ay ula jeedeen inay ku kiciyaan dareenka daawadeyaasha showgaan, balse ay doonayeen keliya inay muujiyaan sida inuu yahay mid macquul ah. Laakiin atariishadaan ayaa dhaawac kasoo gaaray jillista filimkaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment