Bulsha:- Kadib markii uu xirirka xumaado, mid ka mid ah labada qof uu xiriirka ka dhaxeen jiray ayaa laga yaabaa in uu dib usoo cusbooneesiyo isaga ama iyada uu kuu soo mareeso wadoonyin badan,
waxaan kuu wadnaa maanta astaamaha lagu garto qofka aad kala harteen in uu doonayo in uu xiriir markale kula sameeyo,
hadaba hadii aad aragto astaamahaan ku tasho qofkaas in uu doonaya xiriir markale hagaaga.
1. isaga ama iyada oo markasta kusoo wacda
Waxaad arki doontaa qofka aad kala harteen isaga uu ku soo wacaya xili kasta isaga oo doneenayo xaaladaada caafimaad iyo waxaad ku sugantahay, inta badan arinkaan wuxuu dhacaa ninka hadii uu qalbigiisa aysan ka jirin qof kale wuxuu ku dadaalayaa sida uu adiga (dumar ah) kuugu xiriirin lahaa, halka gabdhaha iyaga oo raba in ay xiiririyaan hadane xishoodka ka reeba.
2. Isaga ama iyada oo kula kaftanta
Waxaad arki doontaa qofkii aad kala tagteen oo si cabsi la aan ah kuula kaftameeso, xiliyada qaar kuu soo diro wax yaabo kaa yaaba markaas adigane kaa qoslisiiya, taas oo keeni karta in qalbigaaga uu yara dabco.
3. Isaga ama iyada oo waqtiga la qeebsata asxaabtaada ama reerkaaga
Wuxuu qofka isku taxluujiyaa sidii uu ugu dhawaan lahaa asxaaabtaada, isaga oo la saaxiiba dad badan oo aad isku dhowdihiin, sidoo kale waxaa suurta gal ah in uu bilaabo xiriir dhanka waalidkaaga isagoo oo bilaaba in uu xushmeeyo marmarka qaarna soo salaama.
4. Isaga ama Iyada uu kuugu soo war galiso wax yaabo adiga aadan ka warheen
Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in jaamacad ama iskuul la furay ama xarun cusub ama shirkad cusub ama qalad cusub aan hore u oolin in uu kuugu soo wargaliyo wixii soo kordhay kuugu dhaho wax hebel iyo hebel ayaa soo baxay mala socotaa? isaga oo isku daya in uu kaa siiyo sharaxaad dheeri ah wuxuuna qofka isku dayaa waxyaabahaas in uu kutuso, badanaa qofka ayaa usoo iibsada sida uu itusi lahaa qofka uu doonaya in uu xiriir la sameeyo.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment