Bulsha:- Salaama dhamaan akhristayaasha qiimaha badan: Magaceygu waa Balqiiso,waxaan ahay gabar Soomaaliyeed oo aad u xishood badan,haddana waxaan ahay qof uu jaceyl daran la soo dersay.
Waxaan hal guri kuwada nool nahay Wiil uu adeerkey dhalay,hal sano ka hor ayuu Baadiyaha ka yimid,aad ayaan u kaftanaa,waliba si kalsooni ah,Balqiiso ahaan si xad dhaaf ah ayaan u jeclahay,laakiin haddana si un ayaan uga baqaa,Wiilka isaganaa mar waliba i dhaho aan ku guursado anigane taas kama helin oo waxaan dareemayaa naxdin iyo cabsi,marka Asxaabey ila taliya,sideen arrintan u xaliyaa? Jaceylna waa i hayaa,Ninkana waa iska reer Baadiye!!
Waxaan u mahadcelinayaa bahda Bulsha.com oo fursad ii siiyay inaan halkan ku soo bandhigo dhibkeyga.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment