Bulsha:- Oday reer Magaal ah ayaa gabar uu dhalay waxaa uu ka dareemay ineey leedahay uur .. waxaa kale oo waliba uu dareemay in uurku uusan lahayn Aabe..
Gabadhana aad iyo aad ayuu u jeclaa.. isaga oo gabadha dareensiinaya sida uu wax u og yahay, sharafteedana rabo inuu u ilaaliyo si dadka deegaanka uu been uga gado, kuye Aabo ninka ku qabo xaggee isku barateen? kuteh Facebook..
Odaygii baa hadloo yiri waan gartay ee xaggee deggen yahay? kuteh Viber.. haye.. waan gartay.. kuyeh xaggee ka shaqeeyaa? .. kuteh IMO.. Aabihii baa hadloo hadana yiri . Magaciis ? kuteh Online..
Odayga oo ku dadaalaya ilaalinta sharafta gabadhiisa, qalbigana u qaboojinaya.. gabadhana ay moodo inuusan odayga waxba garan, kuyeh Odaygii.. macno malaha ee ma ka dhigaa Offline?
Dadka deegaanka oo ummi ahaaa oo aqoonta ay ku yareyd ayaa ka iibinaya war been ah kuyeh Mashaakil malaha oo anaa tolkiisa aqaan, waana ballaminayaa.. waxaa uu ka soo jeedaa dad fiican oo magac iyo maamuusba ku leh adduunka oo dhan waxaana la dhahaa Twitter…
Gabadhii baa inteey naxday tiri Aaboow aan ku qaadanno… oo ay ula jeeddo waxeenna aan xalisanno ,,
Aabihii iyo gabadhiisa markii ay is fahmeen,, gabadhiina faraxday.. Aabaheedna aaminay inuu dadka tuulada deggenaa oo uu awalba aaminsanaa ineey badoow yihiin uu ka gaday wax aan jirin, isaga oo ilaalinaya sharafta gabadhiisa, ayaa waxaa ku soo baxay nin oday ah oo Atooro baadiye ah kuyeh ninka gabadha naga guursaday waa yaraanka reerka aad sheegtay? aniga waxaan aqaanay kuwa la dhashay oo libaaxyo ahaa meel ay ku danbeeyeense ma aqaano !..
Aabaha gabadha oo dhanna ka naxsan .. dhannna hubinaya sida uu wax u fahansan yahay kuyeh oo ma taqaanaa ? Atoore tuulo kuye haa, waxaan aqaanay ilamaha la dhashay oo waxaa ka mid ahaa .. Hotmail, Yahoo, Gmail iyo Skype..

Aabaha gabadha oo fahmay ninkaan inuu hadalkooda gartay ayaa yiri, isaga oo waabinaya, dagaalna ku baaqaya hadduu arrimahaan soo dhex galo, kuye haddaba ma taqaanid Aabahooda .. waxaa la dhahaa…. kuye… Brunto Scorso, wallaahi qofkii arrimahooda dhex galo waxaa uu kor u fiiriyaa fuusto iyo laba xarar.. Atoore baadiye oo dareemay in loo hanjabay ayaa yiri oo ma afka ayaan laleemo ka qabaa ?? maxaa i geliyey baddaas? !
waxaa qoray : Abuukar Salaad Diiriye “Fareey”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment