Naag iyadoon ogayn sawir xun laga duubay kamirada

Bulsha:- Dumar badan ayaa na soo weydiiya oo leh nimankeena iyo anaga meel fog ayaan kala joognaa, ninkayga ma ugu raaxayn karaa khadka taleefanka ama Skype, 

waxaan leenahay waa laga fiican yahay inaad ugu raaxayso, waayo waxaa dhici karta in la soo dhexgalo sheekadiina ama la dhegaysto,

 waxaa ka sii xun inaad jirkaaga qaawiso sidii aad ugu raaxayn lahayd ninkaaga, 

waayo waxaa laga yaabaa camerada in lagaa duubo adoon ogayn, layskuma aamini karo internetka, 

sidoo kale sigo maxay kuu taraysaa waxaa kaaga fiican inaad iska sabartid ilaa aad ka kulmaysaan adiga iyo saygaaga, 

sheekadan aan kuu sheegayo caadi haka dhiganin, netka wax walba waa suurta gal meeqa gabdhood iyagoo qaawan sawir laga qaaday oo markaas la soo galayay, 

ma ogtahay programyada qaar inay furi karaan kaamiradaada adoon ogayn, marka qofka inuu kaa duubi karo waxa uu rabo adoon la socon waa suurtagal, iska ilaali walaashayda qaaliaga ahay.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment