Bulsha:- Kajol Devgn waxaa lagu tilmaamaa atirishada ugu biladaha badan Bollywood-ka xiligaan casriga ah iyo waagii horeba madaama aysan jirin jiil haatan kula tartami karo hanashada abaal marinta atirishada ugu wanaagsan Bollywood-ka oo ay 5-jeer ku guuleesatay.
Hadaba Kajol Devgn ayaa la sheegay inay haatan si rasmi ah u bilaabeyso adeesgiga aalada Facebook ee lagu tilmaamo baraha bulshada mida caalamka loogu adeegsiga badan yahay.
Kajol iyo seygeeda Ajay Devgn ayaa tageen maalintii shalay ahayd (Jimco) xarunta Facebook San Francisco ku taalo waxayna halkaas u tageen in xidigtaan Account rasmi ah u sameysato.
Ajay iyo Kajol ayaa haatan gudaha USA ku sugan ayagoo filimkooda Shivaay halkaas xayeysiin ugu sameenayaan waxayna booqdeen magaalooyinka qaar sida New York, Chicago iyo Dallas.
Waxaan sugnaaba waa marka sida rasmiga ah shaaca looga qaado Page-ka rasmiga ah ee Kajol barta Facebook ku yeelan doonto waana hubaal in malaayiin taageero ah xidigtaan saaxiibadeeda dhow noqon doonaan.
Goobjooga

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment