Arrin xanuun badan : Lamaane aroos ah oo calfan waayay macaanka nolosha.

Bulsha:-  Muddo laba sano laga joogo ayaa nin lagu magacaabo Yacquub waxa uu guursaday gabar lagu magacaabo Faadumo, nasiib darro habeenkii koowaad ee aqal-galkooda ayaa baabuurtii galbinaysay arooska waxaa ku jabay ninkii caruuska ahaa.

Caruuska waxaa uu helay baan fiican (daryeel wanaagsan) oo nafaqo leh, waxaa ku batay dareenka uu u qabo afadiisa oo uusan hal mar la kulmin, dhowr habeen ayuu damcay inuu si dhuumaalaysi ah kula kulmo, nasiib darro fursaddaasi waxaa u saamixi waayay aabihiis oo arrintaas bud u samaystay, markii horena kala dajiyay laba qol oo iska soo hor jeeda.

Caruuska jabay markuu kabmay baantiina dhamaystay, sida dhakhtarka lafaha uu xaqiijiyay ayaa caruuskii oo faraxsan, lana socda Aabihii ayay markeey isbitaalka ka soo bixi rabeen, waxaa laga horkeenay xaaskiisii oo dhiig matageysa kadib markii uu sac hertiyey.

Baaris caafimaad kadib waxaa la xaqiijay in laba feerood ay jabeen, markii la saaray “Xrey” raajato, waxaana loo soo qoray lix (6) bilood oo daawo ah.

Aabaha dhalay caruuska ayaa halkiisii ka billaabay inuu kala ilaaliyo labadaan lamaane ee baahida dareenka leh isu qabta.

Wax badan ayuu kahor tagay ballamo xilliyo danbe ay wada lahaayeen labadaan caruus ee mudada dheer kala degenaa labada qol ee iska soo horjeeda.

Rafaad dheer, muddo lix bilood kadib daawadii waa u dhamaatay xaaskii,, waxaana dhakhtarkii u sheegay in ayy raysatay oo ay caafimaaday.

Farxad iyo reyn reyn ayagoo dareemaya, odaygiina ugu ducaynaya Allaah ha idinka dhigo labadii isku raysa oo isku riinta oo waliba isku riixda ayaa madfac haboow ahi ku habsaday labadii is qabtay halkaas ayeyna ku dhinteen labadii caruus.
Waxaa lagu duugay qabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho, iyagoo xalaal isku qaba misna aan hal mar wada cayaarin, Odaygii dhalay caruuska illaa hadda waxaa uu dhex fadhiyaa labada qabri dhexdooda asagoo wali wata budkiisii kadib markii uu waashay ! waa dhacdo xanuun badan ,,,

waxaa qoray : Abuukar Salaad Diiriye “Fareey”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment