“Jaceylka macudur baa mise cudurka ayuu horseedaa”???!!!

Bulsha:- Maqaal kaan oo aan uugu tala galay dhamaan inta wax jecel ama la jecel yahay in ay wax ka faa’idaan baaritaan kaan aan sameeyay iyo sida aan wax u arkay.

Intaadan aqrin ka hor sidee kula muuqataa jawaabta ku aadan su’aasha maqaalkaan daah-furka u ah.

“Jaceylka macudur baa mise cudurka ayuu horseedaa”???!!!.

Nuucyada jaceylka

Sidaan wada ognahay jaceylka waa nuucyo badan yahay nuucyadiisuna waxaa ka mid ah:-

1) Jaceylka Dabiiciga.

2) Jaceylka Guud.

3) Jaceykal Dhab ta ah.

4) Jaceyl Gaaban (Dhalanteed).

5) Jaceyl Daneysi.

6) Jaceyl Xushmo, iwm.

Jaceylka Dabiiciga: Waa midka ruux waliba oo Muslim ah ku jiro misana u qabo RABBI giisa abuurtay, uuna aaminsan yahay kuna kalsoon yahay ogyahay neh wax waliba iney ka imaadeen xaga ALLE. waxa kale ka mid ah jaceylka uu ruuxa Muslimka u qabo Nabigeyna MUXAMAD BIN CABDULLAHI (NNKH), uuna aaminsan yahay ku dhaqanka shareecadda Islamka iyo raacida wadadda uu qaaday nabigeyna MUXAMAD (NNKH).

Jaceyl ka Guud: Waa midka aad u qabto waalidkaaga sida Waalidka,Walaalada Ubadkaagaa iyo Asxaabtaada, Waxbarashadaada, iyo wixii lamid ah.

Jaceylkani ma ahan mid iska yeel yeel ah ee waa mid dhab ah badanaana waxuu ku abuurmaa qof ka si caadi ah oo ku dheehan farxad iyo rabitaankiisa.

Waxaa jiro siyaabo uu ku burburo jaceyl kan badanaa waxaa sababa qofka waalidkiis, walaalkiis/walaashiis, ama ehelka uu ka soo jeedo, waayo waxaa laga yaabaa in ay walaalihiisa aysan isku hooyo aheyn, waalid ka in uu jaceyl u muujiyo mid ka mid ah ubad kiisa, dhaqaalo la’aan kaasoo kalifeysa in wiil ku in uu ka tago qoys ka, iwm.

Jaceyl Dhab (Dhalanteed): Waa Jaceyl kasoo aaya-tiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay wadaagaan lamaanayaasha sida dhabta ah isku jecel islamar ahaantaana wadaaga nolosha, ALLENA ku guuleeyo.

Jaceyl-kani badanaa waxa uu ku dheehan yahay rabitaan, kalsooni, raxmad, isjaceyl, dulqaad, qadarin, isfahan, ismaqal, xushmad, xishood, iyo siyaabo badan oo aan halkaani ku xusin.

Labada ruux isu qaada jaceylka dhabta ah ma maqlaan wax aysan rabin iney maqlaan, waxa kaliya dhagahoodu ay maqlaan waa qofka kaliya ee isku ogol misana ku faraxsan labadooda rabana iney mustaqbal isu noqdaan.

Jaceylku ma ahan cayaar ee xaqiiqdii waxa uu sababaa qofka in uu ka go’o cunada, cabitaanka iyo wax allaale wixii qof ka ku noolaan lahaa, jaceylka dhabta ah waa sida Ukunta doorada ay dhasho taa oo laga ilaaliyo iney jabto waayo sida ay u jilcaan tahay ayuu u jilcan yahay jaceylka dhabta ah.

Lamaanaha is jecel had iyo jeer waxey ku dadaalaan sida ay u kala heli lahaayeen farxad, Kalgacal iyo ubad wanaagsan.

Lamaanaha is jecel wey isu ilmeeyaan balse ilintoodu ma ahan murugo ee waa raxmad iyo jaceyl.

Waxaa jira siyaabo badan oo qofka ku weeyn karo jaceylkiisa dhabta ah waxaana ka mid ah:-

Waalidka: badanaa waalidiintu caruurtooda uma ogola ruuxa ay gabadhoodu jeceshahay ama wiilkoodu gabadha u jecel yahay taasina waxey keeneysaa in ay labadda ruux uu jaceelkoodu buruburo.
Dhaqaalaha: dhaqaalaha waa furaha dhaqaajiya ama fududeeyaha nolosha waana sheyga lamaanaha is jecel u horseeda iney isku waayaan dhaqaalo xumi awgiis.

Xaasidka: waa qof ka xogta ka haya mid ka mid ah lamaanaha sida dhabta ah isku jecel kaasoo hanqaltaaga lamaanaha kana hor joogsada sida ay isu heli lahaayeen asagoo is ku diraya lamaanaha, ama u adeegsanaya dariiqooyinka kale taa oo ku saleysan xaqiiq (Xog ta uu ka haayo lamaana is jecel).

Calaf ka: calafku waa wax jira labada ruux ey jaceylka ka dhaxeeya waxaa carqalad ku noqda midka/mida ku imada/timaada calafka adigoo ruux kale u baqa jaceyl ayaa dhici karta ina aad calaf isku kiin galo qof aan jaceylka dhib u soo marin.

Waxaa kale jira siyaabooyin kale oo aan halkaan ku soo cadeeynin laakin sababa iney lamaanaha is waayaan intaani waa inta kaliya ee badanaa dhacda misna u badan dalkeena Soomaaliya.

Jaceylku ma ahan cudur ee cudur ka ayuu sabab u noqdaa. Inta aan halkaan ku soo sheegnay waxa uu carqalad ku noqdaa jaceylka misana uu horseedaa in ruuxa jeceylka la dariska ah uu ka go’o cunada, iyo cabitaanka kaasoo ku dhisan nolosha ruuxa bini’aadamka ah la’aantoodna uusan noolaan karin.

Markaas ayaa waxaa bilaawda cuduro u nugul qofka bini’aadamka kaasoo sababa gaajada iyo haraadka islamar ahaantana la baxnaanin ruuxaasi ama uusan ALLE u soo dajin raxmad qaboojisa qalbigiisa waxaa uu u nugul yahay geerida.

Wax yaabaha xoojiya jaceylka dhabta ah waxaa ka mid ah:-

Waa in aad barataa waalid, walaal ka iyo walaalaha qof ka aad sida dhabta ah isu jeceshihiin.

Waxaad ku dadaashaa in aad kaga sheekeeyso dhacdooyin jaceyl ee hore u dhacay, sida ay suugaantuba ay xusto.Cilmi Boodhari, Qeys, Leyla. iwm.

In aad lahadasho qofka/qofta aad jeceshahay waqti badan aadna isku daydo in aad u sheegto wax dareen keeda/kiisa soo jiidayo.

In aad la kulantaan ama aad muuqaaga tustaa xataa isbuuciba mar ruuxa aad jeceshahay si uu kaga bogto muuqaaga misana qalbiga oo gu qaboobo.

In aad u muujisaa naxariis, kalsooni, kana ilaaliso waxyaabaha murugada u keeni kara kuna dadaashaa in aad ka qosliso

In aad is dhaaf sataan aaladaha loo isticmaalo xariirka sida Mobile Phones, MSN, Facebook, Yahoo, Nimbuzz, iwm. Si meesha ay uga muuqato kalsooni iyo daacadnimo.

In aad ugu yaraan maalintii Text Message u dirtaa hadaad mashquulsan tahay si qalbiga ugu dago.

In aad ka soo hor jeesataa cid waliba oo cadaw ku ah qof ka aad jeceshahay si aad kaga nasataa masiibada idinkaga imaan karto.

Waxaa idinka dhexeeyo waa in aad ka ilaalisaa qof cadaw idinku ah si uusan sirtiina u faafin.

Inaad bishiiba mar tagtaa gurigooda hadey suurta gal tahay misa aad reerka wax wada cabtaan si loo helo kasbashada waalidka.

Ugu dan beeyn tii inaad ka fikirto mustaqbalkaaga danbe si aadan ugu hungoobin hadaf kaaga mustaqbaleed.

Jacayl Gaaban: Waa Jacaylka ku abuurma kulan kaasoo qaata saacada kooban, hami giisuna yahay mid ku dheehan damac (shahwadeed).

Quudka ku jira jaceylka gaaban kama istaago ilaa uu ka helo damaciisa, wuuna is taagaa haduu gaaro hadaf kiisa asagoo sameysanaya mar mar siyo ama dhaleeceyn si uu uga haro waayo markiisii horeba dan kama laheyn ee waxa uu ahaa mid gaaban.

Jacayl Danaysi: Waa jaceyl ku saleesan dan, dantu ha ahaato nooc dhaqaalo la xariira ama ceyn kale, badanaa jaceylka daneysiga waxaa saa’id u isticmaala dumarka inkastoo aysan Ragu ka marneyn.

Dantu mid kaliya ayaa kasal gaara halka qofka caaqilka ah ragu wey damac badan yihiin dumarkana wey unugul yihiin, jaceylka daneysiga waxaa uu sababaa qof ka in uu ku waayo hami guur waayo marka qaar nolashiisa ayuu ku cayaaraa qof ka asigoo fiirinaya danta uu ku qabo qofka kale.

Jacayl Xushmo: Waa Jaceylka uu ku jeclaado qof agtaada sharaf, xushmad iyo qadarin kaa mudan, adigana aadan rabin qofkaas, ama asiga ku rabo haddana aadan ku gacan seyri kareyn, kadibna aad go’aansato in aad xushmad, qadarin iyo tixgelin u muujiso kaasoo kaga dhowreyso qofka in uu murgoodo misana soo xasuusto wax aad dooneyso in uu hilmaamo.

Jaceyl ka xushmadeed waxaa badanaa baabi’iya calafka iyo qofka oo maskaxdiisa u dagto, inta badan xushmada waxa ay u horseedaa qofka wanaag waxeyna ka baabi’isaa murugta, waxa dhacda waqtiyada qaar qofka aad islaheyd u dhimri ama u diirnax oo murugada ka ilaali ayaa maciinsataa in aad jeclaato kadib markaad aragto wanaaga qof kaasi iyo niyad samidiisa.

Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa Mareega Xikmo.com oo maqaalkani bogeeda kusoo daabacday iyo dhamaan aqristayaashii waqtigooda galiyay iney wax uun ka ogaadaan maqaalkani,

hadaba aqristow maqaalkani waa fikir shaqsiyeed waa uu qaldami kaaraa waa uuna saxnaan karaa, waxaana u cuskanay murtidan oo ay Soomaalidu horey u tiri “Hilmaan hadal kuma jiro







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment