Iska Ilaali xiliga shukaansiga Arimahan Waa talo Muhiim kuu ah

Bulsha:- Haasaawaha Shukaansiga marka laga hadlayo Bulshadeena waxaa caado u ah dhaqamo kala duwan kuwaasoo marna ka farxiya haweeneyda marna qushuuc galsha oo ka xanaajiya iyadoo qaar kalana ka xishood siiya.

Hadaba waxaan jeclahay inaan cawada hadal murtiyeed gaaban idiin soo ban dhigo kaasoo xaqiiqda khuseeya hadaba Wiiloow marka aad haweeeneyda lahaasaaweyso(Shukaasanayso) iska ilaali sedex arin inaad weydiiso kuwaasoo sababi kara in Been aad qalbigeeda ka kasbatid ugu danbeyna saameen kugu yeesha waqtiga Guurka.

Hadaba sedexdaas arin oon filaayo in qaar badan oo inaga mid ahi aad ula socdaan ayaan doonaya inan ogeysiiyo inta kale oo dhiman.

Haweeeneyda waqtiga Haasaawaha shukaansiga ha weydiin Inta ay tahay Da’a deeda (AGE) Dumarka kama jawaabaan intooda badan isku day inaad si xeeladeysan u adeegsato su’aashaas adigoo dhinacyo badan usoo maraya Tusaale : Soomaaliya Meeqo sano ayaad ku nooleed ” Jawaabtaaas lagu siiyo meel ku qoro” Maalmo kadib waxad weydiisa wadanka ay hada kunooshahay inta ay kusugantahay isku day sanadaadaas waxa soo baxaya xisaab ka daba dhaw Da’adeeda.

Qodobka Labaad waxa uu noqonayaa Inta Nin eey soo martay , Dumarka xaqiiqiyan ma jecla iney ka run sheegaan inta badan arinkan hasa ahaatee waa mid inta badan dhacda in la isku qarsho balse Sanado kadib aanan is qarin karin waxayna dhibaato ukeeneysaa Wada noolaanshahiina mar haday been kuu sheegto waxaase wanaagsan in gabadhu ay cadeesato mar hadii aysan qarsoomeen.

Sidoo kale Arinka Ugu danbeeya waxa uu noqonayaa Inta caruur ee uu Alle Siiyey dumarka badankoodu ma jecla iney soo ban dhigaan awlaada ay horay usoo dhashay mar hadii ay tahay “CARMAL-GAROOB” Hadaba si toos ah ha u weydiin haweeneyda inta caruur ay soo dhashay U Adeegso xeeladaha kala duwan ee uu Alle maskax ahaan kuu siiyey.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment