Bulsha:- Aad bay u kala duwan yihiin dherarka xubinta ragga ama guska, taasina waa abuuris ilaahey, balse waxaa jira dad si qaldan ka fahansan qaabka dherarkaasi uu ku yimid.
Nin kasta waxa uu leeyahay dherar dabiici ah oo ilaahey uu ku hibeystay xubintiisa, balse waxaa jirta tiro qubarada caafimaadka ay soo saareen oo ninka ugu xubin dheer uu gaarayo.
Hadaba intaanan tirada u guda gelin waxaa warbixinta qubradani ku qoran in xubinta ragga qaar isaga oo aan kacsaneyn uu aad u dheer yahay halka qaar kale marka galmo ay sameynayaan uu noqdo mid aad u dheer, hase ahaate waxaa jira rag intaa ka duwan oo iyagu ilaahey uu ku abuuray xubin iska dherar yar.
7 Centimeter ilaa 15 Centimeter waa dherarka dabiiciga ah ee guska, halka ragga xubinta gaaban marka galmo ay sameynayaan uu dherarkoodu gaaro 12 Centimeter, taasina waa tiro aad u fiican marka loo eego dhanka galmada.
Ninka ugu xubinta dheer waxa uu dherarkiisu inta la hayo noqday 24 Centimeter, waana qiimeynta cilmiyaysan ee xilliga uu galmada ku jiro.
Ma ahan in ninka xubinta gaaban uu yahay nin aan wax tari karin ama uu yahay mid ku fashilma galmada xaaskiisa.
Dherarka ama dheeraanshaha guska ma ahan mid dhibaato dumarka u keenaya, waxa dheeraad ah oo uu raaxada dumarka ku soo kordhiyo ma jiraan, marka laga reebo hadba ninka iyo farsamadiisa, si naagtiisu raaxo uga hesho.
Dhaqaatiirta qaar waxay aamin san yihiiin in ragga xubinta (guska) gaaban ay faa’iido ku qabaan dumarka, xilliga uu galmada ku jiro, taas oo ah marka uu ka bixinayo iyo marka uu galinayo, waxayna taasi dumarku ka helayaan raaxo iyo kacsi dheeraad ah.
Gaba gabada nuxurka warbixintani dherarka ama gaabnida xubinta ninka hadii dhibaatooyin caafimaad aaney qabin waa ku kaafi naagtaada ama xaaskaaga.
Ogow in wax jira aaney aheyn isticmaalida dawooyin, si qofka xubinta gaabani uu u dheereeyo xubintiisa, taasi waxay ku keeni kartaa qofka dhibaatooyin xubintiisa ku timaada sida ma dhaleysnimo iyo kuwa kale.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment