Haweenka Ruushka Oo Noqday Kuwa Ugu Badan Haweenka Qaaradda Yurub Ee Qaata Diinta Islaamka!!

Bulsha:- “Maxaa keenay in haweenka ruushku qaataan diinta islaamka?” sidan waxa ciwaan looga dhigay maqaal dheer oo ay diyaarisay haweenayda saxafiyadda ah ee caanka ka ah dalka Ruushka Victoria Simoshina taasoo warbixin dheer ka diyaarisay haweenka dalka Ruushka oo noqday kuwa sannadihii ugu dambeeyey ugu badan haweenka qaaradda Yurub ee soo galaya diinta Islaamka. 

Saxafiyaddani waxa ay waraysiyo kala duwan la yeelatay Gabdho badan oo Ruush ah oo dhawaan sida daadka ugu soo jabay qaadashada diinta Islaamka. 

Waxa ay waydiisay Arrimaha ay kala kulmeen Diinta Islaamka iyo sababta marka horeba keentay in ay islaamka qaataan. Waxa kale oo ay wax ka waydiisay haweenkan sida ay ugu dhalatay fikirka qaadashada diinta islaamku, aragtida ay markii hore ka haysteen diinta Islaamka iyo waxa ay markii dambe ku arkeen dadka islaamka ah iyo diinta islaamka. 

Cidda ku qancisay caqiidada Islaamka. Saxafiyad Victoria oo waraysatay haween badan waxa aynu waraysigeeda ka soo qaadan doonaa jawaabihii ay siiyeen saddexda gabdhood ee la kala yidhaa Yilina, Valeria iyo Oliana oo dhammaantodo Ruush ah dhawaanna qaatay Diinta Islaamka.
Oliana: ‘Islaamku Isaga Ayaa Ugu Dimuquraadiyad Badan Uguna Dhaw Insaaniyadda’
Oliana waa gabadh u dhalatay wadanka Ruushka waxa ay jirtaa 26 sanadood. Iyada oo u warramaysa Saxafiyadda Victoria oo ka tirsan wakaaladda RBTH qaybteeda ku baxda luuqadda Carabiga waxa ay sheegtay in ay Diinta islaamka ku soo biirtay muddo haatan laga joogo Toddoba sanadood. Sababta ay ugu soo biirtay Islaamka iyada oo ka hadlaysa waxa ay sheegtay in ay muddo badan dareensanayd in ay niyaddeedu u janjeedho oo ku nafisto xagga Islaamka iyo wixii la xidhiidha. Dareenkaasina ku lammaanaa nolosheeda illaa wakhtigii caruurnimo. Oliana waxa ay intaasi ku dartay in dareenkii ku lammanaaa lubbigeedu uu keenay in ay mar walba u sii dhawaato xagga Diinta Islaamka iyo hab-dhaqanka dadka Muslimiinta ah iyada oo ku dadaali jirtay in ay u kuur gasho hab-nololeedka dadka Muslimka ah iyo waxa ay Diintoodu farto ee aasaaska u ah. Oliana waxa ay sheegtay in ay wax ka baratay usuusha diinta islaamka iyo luuqadda Carabiga si ay ugu dhib yaraato in ay wax badan ka barato shereecada islaamka. 


Iyada oo gargaarsanaysa oo mar walba gacan ka helaysa dhallinyaro Muslimiin ah oo Ruush iyo ajaanib kaleba isugu jira waxa ay aad u baratay iyada oo aan wali islaamin in badan oo ka mid ah seeska islaamka iyo luuqadda carabiga. Qaab nololeed oo gaar ah oo u dhaxeeya islaamka iyo diinteedii kiristaanka ayay gashay iyada oo mar walba u soo dhawaanaysay islaamka iyo muslimiinta kana sii fogaanaysay diintii awoowyaasheed ee Mad’habta Ortodhogoska Kiristaanka. Oliana waxa ay sheegtay in markii ay wax badan ka fahamtay islaamka ay ku dhiirratay in ay si rasmi ah u soo gasho diinta islaamka. Haweenaydan Ruushka ahi waxa ay gabadha wariyaha ah ee Voctoria u sheegtay in markii ay diinta islaamka qaadatay ay markiiba ku dhiirratay xidhashada Xijaabka iyo tukashada salaadda iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay Oliana tidhi: “Haweenka Muslimiinta ahi waxa ay leeyihiin hab dirays qaadasho oo aad haweenayda sharafteeda u ilaalinaya. Xijaabku waxa uu ku munaasab yahay haweenayda. Markii hore waxa aad iigu adkaa oo dhibi iga soo gaadhi jirtay Soonka Bisha Ramadaan. Balse illaa imika oo afar sanadood ka soo wareegtay markii aan islaamka qaatay wax waliba waxa ay u socdaan sidii loogu tala galay oo waan la qabsaday. Diinta islaamku iyada ayaa ugu dhaw ugu habboon in ay dadku diin ka dhigtaan. Waa diin jihaynaysa qofka aadamaha ah ee xaqiiqada ku nool” ayay tidhi Oliana oo ka hadlaysay islaamka iyo waxa ay kala kulantay.
…La Soco Qaybaha kale qisadan








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment