Haweenay Ingiriis Ah Oo Hindistay Soona Saartay Cabbaayad Haweenka Ka Ilaalinaysa Kufsiga Lagula Kaco

Bulsha:-  Sida ay ku warramayso shabakadda wararka Ingiriiska ee Metro, haweenay lagu magacaabo Sara Mabel oo dalkaasi Ingiriiska u dhalatay ayaa toddobaadkan si rasmi ah u shaacisay hindise ay ku hal-abuurtay kuna soo saartay nooc ka mid ah cabbaayadaha ay haweenku ku laabbistaan oo si gaar ah loo farsameeyey taasi oo la sheegay in ay haweenku kaga hor tagayaan in lagula kaco kufsi iyo tacadiyo dhinaca jinsiga ah kadib markii shirkad dharka soo saarta oo haweenaydan kala shaqaynaysay hirgelinta fikirkeedani si rasmi ah shaaca uga qaaday in lagu guulaystay cabbaayaddaasi oo ay haweenku dhawaan ka heli doonaan suuqyada adduunka iyada oo si gaar ah loogu iib gayn doono dalalka haweenkoodu inta badan ka cawdaan tacadiyada jinsiga sida kufsiga iyo tacadiyada dhinaca jidhka ah ee gaar ahaan xagga Kufsiga.

Cabbaayaddan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay sii kordhayaan tacadiyada haweenku kala kulmaaan ragga ee gaar ahaan dhinaca Kufsiga oo noqotay qaddiyad markaaba la soo qaado marka laga hadlayo ka hor tagga gabood-fallada haweenka ka dhanka ah. Daafaha dunida in badan oo dadka ku nool ahi waxa ay isku raacsan yihiin in sababta haweenka ku keenaysa Kufsigu tahay hannaankooda labbis oo aanay ilaalin asturnaanta, suuqyadana u soo baxaan iyaga oo qaawan ama dhar aad u khafiif ah xidhan, cawradooduna muuqato taasi oo keenaysa in ay la kulmaan falal kufsi ah sidaa darteed, Sara Mabel oo Ingiriis ah ahi waxa ay muddo dhawr iyo toban sano ah ku soo hawlanayd sidii ay mar uun uga gun gaadhi lahayd nooc dhar ah oo haweenku xidhaan oo ay kaga gaashaaman karaan kufsiyada iyo tacaddiyada dhinaca jinsiga ah ee lagula kaco haweenka ugu dambayna sida shabakadda Metro sheegayso waxa ay soo saartay cabbaayad ay haweenku ku labbisan doonaan oo ka hor tagaysa kufsiga. 

Sara Mabel oo ah haweenay ay hooyadeed Muslimad tahay balse aabbaheed Kiristaan yahay ayaa sheegtay in hindisaha cabbaayaddani aad u anfici doono dalalka Kufsiga ugu badani ka dhaco oo ay ku sheegtay in ay ku jiraan dalal badan oo islaam ah. Sara Mabel oo ka warramaysa sida cabbaayaddani u shaqaynayso waxa ay tidhi: “Cabbaayaddani waxa ay leedahay laba qaybood oo isku hoos jira qayb haweenaydu sida surwaalka u xidhanayso oo macal shaadhkeedii wadata iyo qayb sare oo u samaysan sidii cabbaayadda caadiga ahayd. Waxa ay hoosta ku leedahay oo ku xidhan qalab GPRS ah oo marka la isku dayo in haweenayda la kufsado qaylinaya oo lagu xidhayo qalabka ay boolisku adeegsadaan waxaanu cod digniin ah ku gaadhsiin doonaa hadba askariga masaafo ahaan ugu soo dhaw goobta haweenayda lagu xoogayo taasoo keenaysa in askarigu si degdeg ah u soo gaadhi karo goobta haweenayda lagu qasbayo”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment