Bulsha:- Khiyaamada lammaanayaashu iskula kacaan waa caado xun oo ay dhammaan diimaha dunida lagaga dhaqmaa ka soo horjeedaan balse si weyn haddana ugu baahsan shaaracyada adduunka iyada oo ay in badan dalalka adduunka ka jirto xaaladaha khiyaamada ah ee ay ku kacaan ragga iyo haweenkuba. Waa ninka oo xaaskiisa khiyaameeya oo si hoose xidhiidh ula samaysta haweenay kale ama haween kale iyo haweenayda oo nin kale xidhiidh qarsoodi ah la yeelata waxaanay caadadaasi aad ugu badan tahay dalalka aan lagaga dhaqmin diinta Islaamka waxaanay si weyn ugu baahsan tahay dalalka reer Galbeedka. Waa caado xun oo qoys oo in badan baadhitaano lagu sameeyo waxaana daraasaddan lagu ogaaday 10-ka waddan ee raggoodu ugu khiyaamo badan yihiin haweenkooda waxaana ugu horreeya waddanka Thailand oo ragga dalkaasi celcelis ahaan 56% ay ku kacaan falal ay ku khiyaameeyaan haweenkooda xidhiidho hoose oo qarsoodi ahna kula yeeshaan haween kale halka dalka Denmark uu ka noqday dalka labaad ee raggiisu ugu khiyaamo badan yihiin dhinaca nolosha lammaanaha isaga oo noqonaya dalka koowaad ee qaaradda Yurub. Waddanka Thailand ayaa noqday waddanka kali ah ee qaarad kale ku yaalla ee liiskan ku jira uguna horreeya iyada oo sagaalka waddan ee kale dhammaantood yihiin qaaradda Yurub. Ragga waddanka Denmark ayaa la sheegay in ay celcelis ahaan khiyaamadoodu dhan tahay 46% in ka badan oo ah xaalado khiyaamo ah oo ay raggoodu sameeyaan taasi oo keenta inta badan burbur ku yimaadda nolosha qoyska iyo xidhiidhka lammaanayaasha oo xumaada kuna dambeeya in ay kala dhaqaaqaan. Wadanka Talyaaniga ayaa kaalinta saddexaad ee khiyaamada ragga ugu badan waxaanay ragga dalkaasi Talyaanigu 45% boqolkiiba ay khiyaameeyaan haweenkooda iyaga oo gabdho kale ku dul wada hadba gabadha ay xidhiidh la leeyihiin ama ay qabaan ee ay nolol qoysnimo wadaagaan. Khubarada daraasaddan diyaarisay waxa ay sheegayaan in ay caadadan xumi qaaradda Yurub ka dhigayso qaaradda raggoodu ugu khiyaamo badan yihiin haweenka iyaga oo sheegay in sababaha keena khiyaamada raggu ay ugu badan tahay dhaqan xumada baahsan ee dalalkaasi ka jirta sida labbiska haweenka ee aadka u qaawan oo dareen ahaan ninka ku riixda in uu daba galo hadba tii uu calmado jidh ahaan. 10-ka waddan ee raggu ugu khiyaamo badan yihiin waxa ay kala yihiin:
1. Thailand 56%
2. Denmark 46%
3. Italy 45%
4. Germany 45%
5. France 43%
6. Norway 41%
7. Belgium 40%
8. Spain 39%
9. UK 36%
10. Finland 36%
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment