Hadaadan Sidan ugu Raaxayn Karin Agteeda Ha imaan ee iska seexo xabad kale ayay helaysaa

Bulsha:- Waxa laga yaabaa in rag badani kolka ay biyabbaxaan, u qaataan in hawshii galmadu ay
dhammaatay, dabeetana intay dhinaca kale u jeestaan khuuro billaabaan, iyaga oon
dheg jalaq u siin dhibaatooyinka uu falkoodaasi u geysanayo
haweeneyda.
Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u kicin ama
isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey
mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo
barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon
biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal
eega Aayadda Qur’aanka ah:
(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale).
Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey: (Ugu
raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inay idiinku
raaxeeyaan).
Haddaba waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka dambayso hawl kale
oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan salaaxid, iyo istiimin fudud. Waxa
loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa isla marka uu
biyabbaxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo.
Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna
noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay
wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo:
(Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog.

Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka
cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo
isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan
dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo
maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax.
Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama
dhigna inay galmadii dhammaatay, balse waa inuu kusii dhexjiraa gudaha
cambarka siduu doono ha ahaadee intuu doonana halla ekaado eh, waana
in haasaawihii, shumisinta iyo istiimintii halkii kasii socdaan ilaa ay
biyabbax ka gaarayso, kolkaasi oo intay si xoog leh isugu nabto,
jirkeedu wada gariiro, daqiiqado dabeetana kala daadato, cambarkuna
geedka dibadda isaga soo saaro, kolka oonku si fiican u daayana iga deg
ku





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment