Bulsha:- Waa markii ugu horraysay ee taariikhda la ogaado in guurka iyo tayadiisu ay xidhiidh la leeyihiin lafaha qofka sida uu sheegay Dr. Carloyn Crandall oo ah khabiir caafimaadka ka dhiga Jaamacadda UCLA ee Maraykanka
Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro Maraykan ah, ayaa shaacisay in guurku ragga ka badbaadiyo cudurrada wadne-xannuunka iyo kansarka, isla markaana uu lafahooda ka dhigo qaar xooggan markuu ninku ku guursado isagoo 25 jir ka weyn.
Cilmi-badhayaashani waxay ogaadeen in ninka guurka fiican guursada ama xaaskiisu u fiican tahay uu jidh ahaan dhismo, marka loo eego ragga xaasaskooda inta badan ay kala tagaan ama aan guursan-ba
Khubaradani waxay shardi ka dhigeen da’da uu ninku ku guursanayaa ka weynnaato 25 jir, halka ay tilmaameen ninka da’daa ka hooseeya in lafaha jidhkiisu diciifaan hadduu yaraan ku guursado.
Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska la yidhaa Osteoporosis International, waxba kamay sheegin sida haweenku ku noqdaan guurka, balse waxay ku saabsanayd xidhiidhka guurka wanaagsan ee ragga iyo caafimaadkooda ka dhexeeya.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment